Racep Tayyip Erdogan Madaxweynaha dalka iyo marwadiisa ayaa ka qeyb galay arooska ciyaaryahanka weyn ee caanka ah ee Ozil oo ka dhacay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.
Arooska oo ahaa mid si weyn loo soo qabanqaabiyey y ayaa lagu qabtay hoteel kuwa raaxada ah, xaflada waxa kasoo qeyb galay dad badan oo magac leh oo isugu jiray madax, ciyaartoy , fanaaniin , ganacsato iyo dad kale oo badan.
Ozil oo ah ciyaaryahan Muslim ah oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga waxaana ka so qeyb galay arooska dad badan oo daneeya ciyaarahanka oo taageerayaaal u ah.
Waxaa si weyn arooska uga dhax muuqday Madaxweynaha dalka Turkiga , waxaana la sheegaa Erdogan in uu saaxiib dhaw la yahay Ciyaaryahanka oo kal hore kulan uu la qaatay kala kulmay Ozil dhaleeceyn badan.