Koox hubeysan oo ganacsade caan ah goordhow ku dilay Muqdisho.

0
97

Kooxo bastoolado iyo qoryaha fud fudud ku hubeysan ayaa Caawa qeybo ka mid ah degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir waxa ay ku dileen nin Ganacsade ah oo caan ka ahaa degamadaas.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhow Masjidka C/raxmaan Bin Coof ee degmada Waaberi, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in ninka la dilay uu ahaa Sarifle, isla markaana lagu soo koobay magaciisa Aw Aadan.

Sariflahaan caawa kooxahaasi arxan laawayaasha ahi ay dileen ayaa ka mid ahaa dadka caanka ah Xaafadaha ku dhaw dhaw Isgoyska dabka, waxaana dadka deegaanka inoo shegeen in xilliga la dilayey uu kusii jeeday gurigiisa hase ahaatee ay dileen kooxo hubeysan kuwaas oo goobta ka baxsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta uu dilka ka dahcay balse kuma guuleysan in ay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa ku sii badanaya dilalka qorsheysan, weerarada loo adeegsado garneelada, Miinooyinka dhulka lagu aaso iyo kuwa lagu rakibo gaadiidka, waxaana muuqanaysa in laamaha amaanka dowladda ay ku fashilmayaan suuragelinta amaanka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY