Imtixaankii dugsiyada sare ee Soomaaliya oo maanta baaqday (Sababta ogoow).

0
92

Wasaaradda Waxbarashadda dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in maanta in uu baaqday Imtixaankii dugsiyada Sare ee shalay ka furmay Magaalada Muqdisho iyo maamulada kale ee dalka.

“Dhamaan Kormeerayaasha iyo Ardayda Imtixaanka galaysa Waxaa la idinku war galinayaa In Imtixaanka maanta 20/05/2018 uu Baaqday, aan la galeyn sababo la xiriira Roobaab ka da’aayo Gobolka Banaadir iyo gobolo Kale awadeed” ayaa lagu yiri  war kasoo baxay Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada Soomaaliya ayaa waxaa ka da’aya roobab Mahiigaan ah kuwaa oo sababay qasaare naf iyo maal intaba leh, iyadoo dadka inta badana ay banaanka u soo bixi la’yihiin.

 

LEAVE A REPLY