CURIS: KU SOCDAALKA AMINTA (TIME TRAVEL).

0
90

Aniga oo ul bakoorad ah isku celinaya ayaan saf aad u dheer soo galay, waxaan quud daraynayay in da’dayda awgeed dhalin yaradu i gudbin doonto si aan waqti hore u gaaro ula jeedka aan safkaan u soo galay.

Goor aan in door ah taagnaa een is yara celin waayay ayaan wiil iga horeeyay ku idhi, adeer dhalintii damiirka lahayd miyay dhamaadeen? nasiib xumo wuxuu iigu jawaabay, “Muzeey i am not gatting you” oo uu ula jeeday kuma fahmin.

Ookiyaalaha ayaan dib u nadiifiyay, wajigiisana si quman u eegay, mise waa wiil afrikaan madaw ah, waxaan kula hadlay luuqadii uu iigu jawaabay, wadan kee ayaad ka timid? (where are you From) ayaan waydiiyay, ” I am from Ivory Coast” ayuu iigu jawaabay, waxan waydiiyay Halkaan maxaad ka soo doontay?.

Meeshu waa tuulada Dhinowdo 160 KM dhanka xeebta kaga beegan magaalada Galkacyo oo aan yaraantaydii joogi jiray, waxay noqotay magaalo dalxiis oo aad u qurux badan, hada oo aan 84 sano jir ahay waxaan goostay in aan ku nasto tuuladaas dalxiiska ku fiican.

Sanadku 2073, waxaan waqti dheer ka shaqaynayay machad xidigiska iyo sahminta hawada Soomaaliya oo culuumta Xidigiska heer aan insaanku ku fakarayn ka gaaray, sadex jeer ayaan safaro u aaday hawada sare.

Safarkii iigu dambeeyay oo aan raacay fagaagbuldiye (space probe) kiisii ugu dheereeyay oo ay xarunta xidigiska iyo sahminta hawada Soomaaliya samaysay waxaan ku tagay meerayaasha TRAPPIST oo 57 sano ka hor sanadii 2016 kii ay hay’adii hawada maraykanka ee NASA daahfurtay, TRAPPIST waxay 229 Trillion oo Mile oo u dhiganta 39 sano safar Illays (39 light-years) waa illaysku inta uu ku jari karo 39 sano e, u jiraa dhulka aynu ku noolnahay.

Safarkaygaas oo ay igu wehliyeen sadexdaan cirbixiyeen Ali Yare Abdiwahab Aden, Abdullahi Ali M Omar oo Soomaali ah iyo #TedrosBrhane oo Eratariya u dhashay wuxuu noqday safarkii ugu horeeyay uguna masaafada dheeraa ee Insaanku isu dayo in uu TRAPPIST ku tago, waxaa inoo sahlay Fagaagbuldiyaha (space probe) Hargaysa oo masaafada socodkiisu mucjiso ku noqotay dunida wuxuu jari karaa hal (1) Trillion miles malintiiba.

Waxaan safarkaas ku soo helnay in TRAPPIST 1 ay nolol buuxda ka jiri karto, hal cilad oo wayn ayaan ku soo aragnay mid ka mid ah meerayaashaas waxaa ku nool makhluuq ay dhici karto in uu dhibaato ku noqon karo nolosha TRAPPIST.

Maadaama aan shaqo gab ahay waxaan ka fasax qaatay shaqadaydii la talin ahayd ee xarunta xidigiska iyo sahminta hawada Soomaaliya, meesha aan safka ugu jiro waa library ga qaranka ee tuuladaas dalxiiska ku caan baxday.

Safafka libraryga loogu jiro oo aad u dhaadheer waxay kugu qaadanaysaa maalmo in aad hal buug ka soo hesho, waxaa aad ugu mashquulsan wax akhrinta ajaanib dalkasta ka timid oo doonaya in ay ka faa’iidaystaan fursad cilmi oo Soomaaliya ka jirta.

Kacdoonkii cilmiga ee 30 sano ka hor sanadii 2043 dii ka hirgalay dalka oo lagu Haltabiyay (Turjumay) dhawr milyan oo buug oo caalamka laga keenay ayaa sabab u noqotay in dunidu cilmiga ugu soo hireto soomaaliya.

Wiilkii reer Ivory Coast iyo aniga sheeko dheer ka dib wuxuu warkii iigu soo xiray “aqoontii caalamka ayaad afduubateen waa sababta aynu tuuloyinkiina safafka dhaadheer ugu galayno cilmi raadin awgeed” isagoo dhidid iska sayraya ayuu wuxuu ii raaciyay in dhibaato badani ka haysato fahamka Afsoomaaliga, “waagii cilmiga aduunku ingiriisiga ku qornaa ayaa fiicnayd, af ingiriisku wuxuu ahaa luuqad la fahmi karo, laakiin Soomaaligu wuu adagyahay” ayuu igu beer laxawsaday, casharo online ah oo laga soo tabinayay dadka ku nool meeraha MARS ka ayaa I dhaafayay waxaan u reebay warqad ay ku qorantahay lamabaradayda iyo meesha aan tuuladaa ka daganayay (Business Card) waxaanan u raaciyay maalin ayaan ku marti qaadayaa ee isu kaaya keen.

Aad ayaan ugu daalay hawlaha nolosha ee aan ku dheeraaday, wali hamuun ayaan u qabaa culuumta kawniga ah akhris iyo qoris ayaa cimrigayga iyo waqtigaygaba qaybsaday, waxaan dhoosha ka qoslaa marka aan milicsado meesha aynu ka nimid iyo heerka aan maantay taaganahay.

Anigoo farxada guuluhu foolkayga ifinayaan ayaa taleefan ii soo dhacay uu hurdadii iga kala gooyay, markii aan kacay waxan xaqiiq saday in aan riyo ka macaan nolosha runta ah ku dhex jiray, waan farxay, hadana naxay, oo qosol aan asal ahayn qoslay, murugo ay xaqiiqdu igu beertayna dareemay, xaalado aan is lahayn ayaan daqiiqado ku dhex jiray, riyadii ayaan hadana dib u milicsaday farxad aan tii hore gaarsiisnayn ayay I siisay.

Hilfahaygii ayaan dib u gurtay waqtigii aan xawaaraha ku dhaafayna dib u soo celiyay, sanadii 2073 da ahayd waxay noqotay 2017 ka, da’daydii 83 da sano sii maraysayna waa tan 28 sano iyo jajab timid, Soomaalidii hawada sare sahminaysayna saw iyadaan iscunaysa.

Riyadaydii yaa igu celiya ayay hada iga taagan tahay.

Yaan la quusan guushu waxba inooma jirto e.

Qalinkii: Shafici Roraye

Email: sha.roraye@hotmail.com

Email: sha.roraye7@gmail.com

LEAVE A REPLY