Home Maqaalo XUSUUSAHA IGU SOO DHACAYA (QORMO XIISO LEH).

XUSUUSAHA IGU SOO DHACAYA (QORMO XIISO LEH).

37
0

Nin dhalinyaro ah ayaa u tagey Odey aad ugu dheeraa Saadaalinta wax walba oo uu sheegana ay u dhici jireen sida uu u Sheego, waxa uuna Weydiiyey Su,aalahan.

“Waxa aad ii sheegtaa Taajir iyo Faqiir midka aan noqonayo, Jano iyo Cadaab midka aan galayo iyo goorta aan Dhimanayo?”.

Odaygii ayaa waxa uu ugu Jawaabey “anigu ma sheegi karo oo illahey ayaa Og balse waxa aan kuu sheegi wax u eg…Waxaad gali Jano markii dad isdagaaley oo gartooda geed loo fadhiyo Markii meel dheer lagaa arko haddii lagu yiraahdo aan Sugno Hebal ayaa Soosocda Waa nin Maslaxo Jecel wax ha nala xaliyo ee Ehelu jano ayaad tahay.

Naar Waxaad gali marka meel dheer lagaa arko iyada oo garta loo fadhiyo Geedka haddii lagu yiraahdo…war aamusa…aamusa kii baa soo socda oo naqasi Waa Fidno wadihii..ee Aamusa. Hana dhaafo ee Waxaad geli Naar.

Taajir iyo Faqiir anigu ma sheegi karo oo illaahey ayaa naga og balse waxaan kuu sheegi wax u eg… Taajir waxaad noqon haddii aad Caruur badan dhasho oo caruurtu hanaqaad Wada noqdaan mid walbana uu shaqo tago Waxa aad Tahay Taajir.

Goortaad Dhimaneyso ma ogi aniga oo illaahey ayaa Og waxaanse kuu sheegi wax u eg… Marka dadkii kula da,da ahaa aad Maqasho hebel waa dhintey…hebal waa dhintey…oo Saaxiibadaadii hareeraha kaa joogey ay adduunka kugu Cidleeyaan adna Waxaad ogaataa in lagu Soo hayo ama lagugu Soo maqanyahay.”.

Xigmada iyo Murtida ay Sheekadan xambaarsantahay waa in la dhiiri geliyo Nabada iyo Dib u heshiisiinta Maadama uu maanta Dalkeenu ka soo kabanayo bur-bur iyo dagaalo Sokeeye oo Aafadii ay inagu reebeen uu wali raadkeedu muuqdo si qof walba uu uga qayb qaato Masaalaxada dib u heshiisiinta iyo Nabadeynta isaga oo eegaya aakharadiisa.

FIIRO GAAR AH: Sheekadan Waxaa iiga Sheekeeyey Odey adeerkay ah ALLE ha u naxariisto e.

Waxaa Qoray: Qoraa Mohamed Farah Duurgal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here