Xulka qaranka Portugal oo guul ka gaaray martegiliyaasha Russia

Portugal ayaa 1-0 uga badisay Russia, waxaana goolkaas qura ee ay ku adkaadeen xulka Portugal u dhaliyey kabtankooda Cristiano Ronaldo.

Cristiano Ronaldo ayaa goolka qura ee uu guusha ku gaaray caawa xulkiisa Portugal madax ugu dhaliyey bilowgii ciyaarta 8’daqiiqo, iyadoo xulka Russia ay ka soo kaban waayeen goolkaas, goolkaas madax ah ee uu Ronaldo u dhaliyey Portugal ayaana saddexda dhibcood u gacan geliyey.

Waa kulankii labaad ee ay ciyaarayaan xulalkan koobka qaaradaha waxaana laga adkaaday kulankan Russia oo 2-0 uga soo badisay New Zealand kulankii hore, halka xulka Portugal uu barbaro 2-2 la soo garay kulankii hore ee ay la dheeleen Mexico.

Haddaba kulankii caawa ka dhacay garoonka Otkrytiye Arena ayaa ku soo dhammaaday 1-0 ay guusha ku qaateen Portugal oo sidaas hoggaanka ugu qabtay Guruubka A ee Confederations Cup iyagoo leh 4-dhibcood, halka marti geliyeyaasha tartankan ee Russia ay ku jiraan kaalinta labaad iyagoo leh 3-dhibcood, maadaama caawa laga badiyey.

 

W/Diyaariyey:- Maxamed Maxamuud Cilmi (Maxamed Juube)

Shabakada Somalibile Media

Xafiiska Magaalada Muqdisho
Email: somalibile@gmail.com
info@somalibile.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*