Xildhibaanadda labada aqal oo la kulmay guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubaland.

0
22

Xildhibaanada labada aqal ee Barlamaanka federaalka ah ee ku sugan Kismaayo waxey maantay xafiiskooda Kulan kula qaateen guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo doorashooyinka Jubaland, ayagoo warbixin waafi ka bixiyey geedisocodka hanaanka doorashada hey’adaha dastuuriga ee lagu wado in ay ka dhacdo Jubaland.

Guddoomiyaha guddiga Md. Xamze Cabdi Aar ayaa ka warbixiyey, shaqooyinkii u qabsoomey tan iyo markii la dhisay iyo hawlaha u dhiman, ayadoo xildhibaanada federaalku ay su’aalo Dhowr ah weydiiyeen kulana dardaarmeen In doorashada oo ah mas’uuliyad weyn ay si daahfuran ay u dhacdo.

Guddiga oo la dhisay bishii Maarso 2019 waxaa loo soo tababarey hawlaha doorashooyinka, waxaana tababarkooda gacan ka geystey Urur goboleedka IGAD, waxeyna u muuqdeen kuwo shaqadooda yaqaana kuna filan.

 

LEAVE A REPLY