Xildhibaan Fiqi “Galmudug haka tashato kuwii kala qeybiyey…”.

War qoraal ah oo goordhow boggiisa facebooka gaarka ah uu soo dhigay xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayuu si qoto dheer kaga hadlay bayaan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha guddaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kuna aadan doorashooyinka maamulka Galmudug oo muddooyinkii dambe la isku hayay.

Bisayl iyo Cayriin waxa u dhexeeya waa yac-yacood sida warqadda wasaaradda baagamuudada ah ee Arrimaha gudaha oo kale.

Ma jiro qodob dastuuri ah oo ay cuskadeen, ma muuqato dadaal iyo xilkasnimo ay ka muujiyeen sanad iyo barkii la soo dhaafay wixii Galmudug ka taagnaa oo madaxtooyada Farmaajo ay ku heysay, uma muuqan wasaaradaan iyo xafiisyada ay hoostagto kuwa si mas’uuliyad ku jirto u dhaqmay mudadii la soo dhaafay.

Waxaa ayaandarro ah wasaarad aan wax ra’yi ah laga weydiin marka xil G. Banaadir oo gacanta dawladda ku jira cid loo magacaabayo ama laga qaadayo in ay gacan-togaalaysato dawalad goboleedyada qaar oo kaliya, ayna wasaaradii noqotay mid aan dastuurka dalka dhowrayn oo kaliya u hogaansan rabitaanka indhaha la’ ee madaxda Villa Somalia.

Warqaddaan ka soo baxday wasaaradda Arrimaha gudaha waa mid hareermarsan dastuurka dalka, sidaas ayayna wax kama jiraan ku tahay, tallaabo kasta oo damaca Farmaajo lagu fuliyana waa un wax bulshada Galmudug sii kala qaybinaya, oo aan lagu gaari doonin ujeedooyinka gurracan ee laga leeyahay.

Galmudug ha ka tashato kuwii kala qeybiyey, isku dirkooda ka shaqeeyey, cunaqabateeyey, welina u hanqaltaagaya in ay burburiyaan.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA DOWLADDA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*