Home Warar Wasaaradda Waxbarashada iyo Dalladaha oo ka shiray Cabashada Ardayda.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Dalladaha oo ka shiray Cabashada Ardayda.

2
0

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xukuumada federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda dalladaha waxbarashada ayaa si wadajir aqalka dowlada hoose ugu qabtay Shir kusaabsan arimaha imtixaanadka dalka.

Masuuliyiinta ayaa Waxa ay ugu baaqay Ardayda dugsiyada sare iney ku noqdaan schooladooda islamarkaana 27 bishaan u diyaar garoobaan qaadista imtixaanadka sanad dugsiyeedka 2018/2019.

Masuuliyiinta ayaa tilmaamay in Dowlada Soomaaliya ay marwalba u taagan tahay ilaalinta mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed iyo in lasoo saaro arday tayaleh oo heesta shahaado sax ah oo aan musuq maasuq ku imaanin.

Maanta ayaa Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka ayaa waxa ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeeday Go’aankii Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta uu ku joojiyey Imtixaankii Dugsiyada sare ee socday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here