WAREYSI. Xildhibaan Baashe Muuse oo soo dhaweeyay guushii Jawaari.

0
82

Baashe-MuuseJaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Norwey  ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaan Baashe Muuse oo ka tirsan golaha degaanka ee Oslo ayaa  u hambalyeeyey Mudane Jawaari oo markii 2-Labaad  ku guuleysto hoggaaminta golaha shacabka Soomaaliya.

Baasha ayaa sheegay in Jawaari oo ka mid ahaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Norwey  taasina ee farxad u tahay dhamaan ummadda Soomaaliyed gaar ahaan jaaliyadooda oo wax badan isku hooshay in mar labaad ku soo laabto masraxa siyaasada Soomaaliya.

“Shaqsi ahaan ayaan u aqaan waana qof ku wanaagsan hogaaminta, midnimada iyo caadaalada waxaana ka sugeynaa marka uu si buuxdo u lawareego shaqadiisa in uu wax badan ka qabandoono wadankaan Norwey oo dhibaatooyin fara badan ku hestaan Soomaalida kuwaas oo qaarkood laga qaatay caruurtii halka qaar kale lagu haayo caga jugleen dhanka sharciyada ah” ayuu yiri Mudane Xildhibaan Baashe Muuse.

Halkaan ka dhageeyso wareysiga Baashe Muuse oo aan la yeeshay anigoo ah wariye Salaad Hussein Mohamud (Daacad)

LEAVE A REPLY