WAREYSI: Guddiga Abaaraha Bergen oo lacagtii ugu badneed u diray dadka ku dhibaateysan Soomaaliya.

16729087_10210502517016794_6286561026941460117_n

Guddiga Abaaraha Soomaalida gobolka Hordaland gaar ahaan Magaalada Bergen oo iyagu  u xilsaarnaa arrimaha Abaaraha waxay soo uruuriyeen lacago loogu talagalay in la gaarsiiyo walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka gudihiisa, waxayna direen lacagtii ugu badneed abid.

Lacagta shalay la diray oo dhameed 100,000 Kron (BOQOL KUN OO KRON) oo ah lacagta dalka Norwey isla markaana Doollar ahaan u dhigantay 11364$ (TOBAN IYO KOW KUN SADDEX BOQOL LIXDAN IYO AFAR DOOLLAR), sida ku xusan lifaaqa warqada lagu diray lacagta oo shabakada Somalibile media ay soo gaarsiiyeen guddiga abaaraha.

Guddoomiyaha guddiga abaaraha Hordaland Maxamed Cabdullaahi Maxamuud (Maxamed Dheere) oo u waramay Shabakada Caalamiga ah ee Somalibile Media ayaa ugu horeyn u mahad celiyey ALLAAH, ka sokow doorka ay ku lahaayeen Ururka Haweenka Soomaaliyeed (Den Somaliske Kavinneforning I Hordland), Dhalinyaradda, Culumaa’udiinka iyo Odayaasha kuwaa oo si isku duubni ah uga wada qeyb qaatay helida lacagahaasi.

Maxamed Dheere Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha gobolka Hordaland ayaa sheegay in lacagtaasi maalintii shalay u direen Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ee qeybta ka ah Guddiga Abaaraha Qaran.

Lacagtan ay direen Guddiga Abaaraha Soomaalida gobolka Hordaland ayaa ah tilaabo aad u wanaagsan oo ay si wada jir ah u wada qaadeen guud ahaan Soomaalida ku nool gobolkaasi.

Wareysiga Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha Qaran ee gobolka Hordland Maxamed Cabdullaahi (Maxamed Dheere) oo dhinacyo badan taabanaya halkan Hoose ka dhageyso.

 

HALKAN HOOSE KA EEG CADADKA LACAGTII LA DIRAY IYO HALKII LAGU HAGAAJIYEY.

17505977_10210894695421009_1105626844_n
Waxaa Wareystay: Salaad Xuseen Maxamuud (Daacad)

Xafiiska Warqabadka Shabakada Somalibile.com

Oslo-Norwey

info@somalibile.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*