WAREYSI:- CUMAR HAYBAD FANAAN, ABWAAN, LAXAMIISTE IYO HEESAABA WAA YAHAY.

0
73

Fanaanka aadka loo jecelyahay ee Codka Macaan Cumar Ismaaciil Maxamed (Cumar Haybad) oo sidoo kale ah laxamiiste iyo Waliba Abwaan Tiriya Miraha heesaha ayaa Heesihii uu sameeyey Waxaa kamid ahaa heestan.

Sida hogol da’aysiyo Meel roob Ku hooroo Haradii biyowdiyo Hodankiiyo barwaaqada Dhulka dooggu hagac yiri Oo horweynka geeluna Hoobaanta lulatiyo Ka hirqaday caleentii Barbaartuna habeenkii Hees iyo cayaar iyo Heellada tumanayaan Farxaddaa hagaagtee Hilowgiyo kalgacalka leh Huunnoy sideeduu Hiyigii Ku raacee Hablo taan ka doortaay Aynu hooy galnee Hoo miraha caashaqa Hadda IGA guddoon.

Heesaha uu Laxanka saarey Waxaa kamid ah kuwii ugu danbeeyey heestan hoos ku qoran oo uu Miraheeda leeyayahay Abwaan Daahir Shidane Cabdi, Waxaana ku luuqeysa Fanaanada Weyn ee Layla Cabdullaahi Cumar.

Ummad yoom mastaba, Iyagoo yal Kara, Yaaqil iyo dugaag, Iska yuubayaan, Oon yeeli Karin, Yatiintiyo danyare, Yicibta ha gurtee, Yicistiyo ilmaha, Ka data yalamsigaa, Dubka iigu yaal, Oon yeer kastaba, Yeelaha Ilaah, Inuu Kala yasiroo, Yusri siiyo wacan, Yaa Kariim iraa.

Cumar Haybad oo ah Fanaan taageerayaal badan iyo Dhageystayaal heesihiisa jecel leh ayaa Fanka ku soo biirey Sanadkii 1986kii xilligaa oo uu ka mid noqdey, Ubixii degmada Kaaraan, halkaa oo uu Fanka ka baranayey.

Heesaha uu Caanka ku yahay ee Sida Weyn loo Jecel yahay waxaa kamid ah:- Jecayl Waa Masiibo, Degan, Dhabahaan Maraba, Yeela Talada Gobanimo, Nimco, Beer nugeyl, Qaali iyo Qaar kale.

Cumar Haybad oo ah Fanaan Codkiisa aad loo Jacelyahay ayaa heesaha uu tiriyo iyo kuwa uu Laxanka u Sameeya waxa ay isugu jiraan kuwo uu isga laftiisu ku luuqeeyo iyo kuwa uu Fanaaniin kale u dhiibo oo ay ku luuqeeyaan, Waxaana Kamid ah Fanaaniintaa, Layla Cabdullaahi Cumar, Maxamed Axmed Qoomaal, Xasan Olol, Fartuun Foos, Axmed Biif, Cabdiwahaab Booska, Saalim Siciid Saalim, Cabdulqaadir Buunis, Aamino Cabdulle Macow, Kaskeey, Joogle Shire Jaamac iyo kuwo kale oo uu Hilmaamey Sida uu Sheegay Fanaan Cumar Haybad.

Waxaa Wareysiga qaaday Qoraa sare:- Maxamed Faarah Cali Duurgal.

F.G Heesaha Cumar Haybad Waxa Aad Ka Heli Kartaa YouTubeka

Mohamed Farah Duurgal.

 

LEAVE A REPLY