WARBIXIN: RAJADDA SHACABKA EE DOWLADDA SOOMAALIYA OO NUS-QAANTAY.

0
56

Marba haddii madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya sida, Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoonka Baarlamaanka ay luminayaan kalsoonidii shacabka iyo qaar badan oo ka mid ah Baarlamaankii soo doortay sow ma haboona inay shacabka ka hor-wareegaan waa su’aasha miyirka qabta Ee Kusoo dhacaysa qof walba oo dhimir la iibsan karo lahayn.

Sida aan wada ogsoon nahay waxaa meel xun maraya khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka ku timid iyo Maamul goboleedyada dalka, gaar ahaan maamulka Jubaland oo dhawaan mar kale dib u doortay madaxweynaha sharciga ah ee maamulkaasi Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Oo doorasho maamuusan ku yimid sida ay dad bani ay qabaan, wallow tiro madaxweynayaal kale ay si iskood doorasho ah isku soo saareen.

…..Qaar ka mid ah hogaamiyayaasha maamul goboleedyada iyo xisbiyada mucaaradka dalka iyo dowladda ayaa midba midka kale waxa uu ku eedeeyey in uu ku xadgudbay dastuurka, isla markaana uu faraha la galay howlo aan quseen, khilaafka ayaana noqday midkii ugu adkaa abid ee dhexmara dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada oo taageero ka helaya xisbiyada dalka. Shacabka Soomaaliyeed ayaa u hanqabay waxqabad laga filayay Dowlada Farmaajo Maadaama Uu ahaa shaqsi Quluubta soomaalida jaceylkooda la galbaday Kacdoonkii Facebook 2011 ka dhacay.

Shacabka qaar ayaa qaba in Madaxweynaha hadda aanu ahayn Midkii ay u banaanbaxeen Oo ay sawiranayeen. Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Xasan Cali khayre ayaa siyaasada Dowlada garwadeen ka noqday tan iyo markii la magacaabay waxa uu shaqdiisa kusoo koobay Khudbad ku hadal barasha ah oo aan Micno iyo Maskax ka imaan balse u dhiganta arday luqad cusub ku paraticgarayna.

Wejiga cusub Ee Kali talis ayaa dadka ay ku indhaqaadeen kadib markii dowladda ay xanibaad ku soo rogtay duulimaadyada aada iyo kuwa ka baxa magaalada Kismaayo, taasoo ugu dambeysay xanibaadii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed loogu diiday inuu u dhoofo magaalada Kismaayo, waxayna arrintan sii hurisay khilaafka iyo fashilka dowladda oo siyaasad xumi lagu eedeenayay.

Dowladda Federaalka oo markeedii horeba amaan badan kuma haysan dhanka Amniga dalka gaar ahaan Muqdisho waxaase dadku indhaha ku kala qaadeen awooda dowlada u leedahay maamul goboleedyada Oo Caasimada Oo 10Kilometer isku xeeran u sugi la’dahay amni ahaan.

Wax kasta oo ay tahayba xaalka waxa uu soo gaaray in shacabka Soomaaliyeed rajaddii yareyd oo ay ka lahaayeen dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Maxamed C/laahi Farmaajo inuu nusqaamay, isla markaana uu gaaro heerkii ugu hooseeye taageero xumi loo muujiyo madaxweyne Soomaaliyeed tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Khilaafka Jubaland oo ay dhinac socdaan hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka dalka iyo kan dowladda ayaa u muuqda mid aan dhamaaneyn waqti dhow haddaanan tanaasul la helin, maxaa yeelay mid kastaba waxa uu doonayaa in uu ka taqluso midka kale.

Tusaale ahaan madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo iska goos qaba ayaa labaduba waxay isticmaalayaan dhaqaalihii dowladda iyo wax ALLE iyo wixii kale oo ay ku burburin karaan si ay meesha uga saaraan madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe, halkaasna ay geystaan shaqsi ay iyagu wataan, si la mid ah ayayna maamulka Galmudug la doonayaan, kaasoo wali aan heshiis buuxa laga gaarin habka loo maareynayo doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan maamulkaasi.

Khilaafaadkan ayaa bannaanka u soo saaray waxyaabo fara badan oo qarsoonaa, waxaana taa ka garan kartaa shirkii jaraa’id ee uu maalin ka hor qabtay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, taasoo sababtay inuu sii lumo kalsoonida shacabka ee ay ku qabeen dowladda, waxaadna moodaa in dalku waqtiba kan xiga uu gelayo xaalad siyaasadeed oo aad u liidata.

Mar haddii madaxda dowladda waayeen kalsoonidii shacabka iyo waliba tan qaar badan oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada haddaba sow ma haboona inay is badal la yimaadaan inta aysan marada ka dhicin kuna ceeboobin?.

Jawaabtu waa haa, maxaa yeelay ma haystaan taageerada shacabka, maamul goboleedyada iyo tan xisbiyada wadanka, taas waxaa ka daran tan madaxweynaha oo lagu tilmaamo inuu dalka ku hogaaminayo qaab kali-talisnimo waana wado aan habooneen oo keeni karta inay meesha ka saarto dowladnimaddii la soo waday muddada 15-kii sano ee ugu dambeysay.

Gundhiga warkaygu Waxa uu yahay Is jooxaarin iyo ku Hadal barasho malagu wadi karaa Dal iyo dad la sii kala Xeendaabtay?.

Abdirizak Kambala.

Cape town, South Africa

LEAVE A REPLY