Wararkii ugu dambeeyey laba qarax oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

0
25

Wabixin dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxaysaa qarax labaad kaasi oo loo adeegsaday Mooto Bajaaj kana dhacay xaafadda Tawqiif degmada Yaqshid ee magaalada Muqdisho, kadib markii qarax kan ka horeeyey barqanimadii maanta uu ka dhacay Ex-koontarool Afgooye goob aan ka fogayn bar koontarool ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo tagay goobta qaraxa ka dhacay xaafada Towfiiq ayaa fahfaahin ka bixiyey weerarka.

Tuulax ayaa sheegay in la fashiliyey weerarka ayaa xusay in ciidamada ay ku amreen darawalka in uu istaago balse kadib ay qaraxday.

Inta la xaqiijiyey hal ruux ayaa ku naf-waayey falkan, kaasi oo la tibaaxay in uu ahaa darawalkii la socday.

Sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka qaraxa kadib, waxaa mootada laga dhex-helay bac ay ku jiraan darees ciidan.

Ma jirto cid sheegatay mas’uulkan falkan balse kooxda Al-Shabaab ayaa looga bartay falalka noocaan ah ee caasimada ka dhaca.

Saacadihii hore ee maanta ayay ahayd markii qarax gaari oo ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee duleedka koonfureed ee Muqdisho ay ku dhinteen laba ruux xili ay ku dhaawacmeen tirro kale.

LEAVE A REPLY