Wafdi uu hogaaminayo RW Kheyre oo si qurux badan loogu soo dhaweeyey Dhuusa-mareeb.

0
23

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kharye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga, xildhibaano labada gole ka socda, madaxa fulinta Galmudug, saraakiil ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ra’iisul Wasaaraha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo socdaalkiisa dhuusamareeb uu qayb ka yahay qorshaha dhamaystirka dadaallada horumarinta Galmudug, ayaa furaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo reer Galmudug ay uga tashanayaan aayahooda iyo dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay.

LEAVE A REPLY