WAAN KU ARKAA KUUNA JEEDAA (QEYBTA 2:-AAD) QALINKII XAAJI-TAHRIIB.

Raali-Galin-Qof-Aad-JeceshahayDhambaalka labaad ee ka mid ahaa dhambaalada jacayl ee waaray inta Taariikhda laga ogyahay waxaa qoray wiil reer Jabaan ah oo markaasi wax ka baranayay Jaamacad ku taala Dalka Ingiriiska, wuxuuna dhambaalkaa u qoray gabar iyana Jabaanays ahayd oo isaga ku Mehersanayd, kuna noolayd Magaalada Tokyo ee Dalkoodii Hooyo ee Jabaan,

wuxuuna wiilkaa dhambaalkaa oo qiiro wayn xambaarsanaa uu cinwaan ugu waqlalay “waan ku arkaa kuuna jeedaa”.
Dhambaalku wuxuu ka tarjumayaa jacayl dhab ah oo iyagoo labo Dal ku kala nool uga dhigay kuwo isu jeeda oo is arkaya, markaasuu ku yiri”Adigoo iga dheeroo aan ila joogin ayaan ku arkaa kuuna jeedaa” dhambaalkaasina waxa uu u dhigmayaa sidatan:-

=Inkastoo boholo tira badan iyo ay nakala xireen Buuro dhaadheer
=Inkastoo Badaha waa wayn, Wabiyo Baaxad leh ay nakala xigaan Biyo.
=Inkastooy Banaan iyo Saxaro iyo Baaxad Soore oon ley ah aynakala xigaan howd Bahala joogaan.
=inkastoo Tokiyo aad ku nooshahay, aniguna Yurub bartama heediyo London aan ku waabiriisto, misana waan ku arkaa kuuna jeedaa.
=Waxaa ii muuqda wajiga Mulaaxda iyo Timaha Malaasta ee Alle kugu manaystay.
=Indhahaaga Murjaanka Macdanka oo kaleeta oo Suniyaal Madow Badan lagu sar maroo jiyay.
=San qarooradaada Mudanee u habaysan Muunadda, dibnahaada Maduulkee Cambaruudka sidiisii.
=Waan arkaa oon u jeedaa Dhuuntaada Muraayadda oo kale eh wixii mara muuqdaan.
=Waan arkaa una Qalbi furanahay Quruxdaada Wacan iyo Horaadaada Toolmoon ee Sacbadayda lagu sargooyay.
=Kaama xiiso marwalbaan Qalbiga kugu hayaa oo markastaan ku arkaa kuuna jeedaa.

Dhambaalkan wuxuu amaanta gabadha ee dhinaca Quruxda jirkeeda ka tilmaamayaa Tin iyo Cirib, run’ahaatii waxaa la sheegay oo taxanaha Taariikhda sooyaalay ee la keydiyay Bogagooda dhambaalada waarayna ay xuseen in gabadhu amaanta u qalantay Haddii loo eego xag Qurux iyo xag Aqlaabqba, wiilka dhambaalkaa dirayna tixgalin jacayl dhab ah ayuu ku mutaystay dhambaalkaas uu u diray gacalisadiisii u doonanayd ee ay jacayl wadaaga ahaayeen.

 

Lasoco qeybta 3-aad Isniinta Insha allaah.

Qalinkii:- Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji-tahriib).

 

Shabakada Somalibile Media

Xafiiska Muqdisho

info@somalibile.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*