Tv-ga Dalsan oo warbixin dareen xambaarsan ka diyaariyay nolishii Marxuum Boqore.

Tv-ga Dalsan ee xaruntiisa tahay magaalada Muqdisho ayaa barnaamij gaaban ka diyaariyay noloshii Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo shalay kooxo hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho.

Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ahaa nin da’ah ayaa deganaaa Xaafad isku raran oo ku taalo degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, halkaasi oo uu kula nool dad masaakiin ah oo qaarkood uu soo kacan qabtay muddadii uu noolaa.

Kooxaha hubeysan ayaa xildhibaanka ku dhex dilay guri uu iska lahaa oo dib u dhis ku socday oo ay markaasi goob joog ahaayeen shaqaalihii dhisayay oo markaasi sugayay gunadii ay qaadan lahaayeen oo ahayd xuquuqda waajibaakooda ay guteen.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA:-

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*