TOP NEWS: 5 beel oo ay saameyn karto haddii la ansixin waayo Wasiirada iyo sababta loo aaneynayo..!.

17506083_793667644123634_97608949_n copyWasiirada ka kooban 68 ayaa waxaa uu Ra’isul wasaare Kheyre boqolkiiba wax ka badan 60% kasoo xulay Barlamaanka Soomaaliya, taas oo sidoo kale culeys ka dhigeysa in xildhibaanada kale qancaan.

Si kastaba Shabakadda Wararka ee Somalibile Media aya halkan idiinku soo gudbineysa shan beel oo hadii la ansixin waayo golaha wasiirada ay saameyn doonto.

1- Beesha Abgaal: Beesha Abgaal  oo u heysato iney tahay iyadu beesha ugu tunka ween marka laga hadlayo arimaha Soomaaliya ayaa ah beesha kaliya ee labo wasiir ku leh golaha wasiirada cusub, waxaana ay heleen wasiirka Amniga iyo Warfaafinta, xildhibaanada kasoo horjeeda wasiirada cusub ayaana daliilsanaya in loo hiiliyay beelaha qaar oo la hareer maray nidaamka 4.5.

2- Beesha Habar Gidir: Inkastoo dad badan ay qabaan in Wasiirka arrimaha dibadda oo laga reebay qorsheynta iyo hormarka caalamiga ah uusan aheyn xil weyn, hadana beelaha Habar Gidir ayaa xilkaas u arka mid ay ku qanci karaan, waxaana hadii wasiirada la diido ay yeelan kartaa saameyn dhankooda ah.

3- Beelaha DIR: Waxaa la siiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeen iyo shan wasiir waana wax ka badan beelaha qaar sida Digil & Mirifle, Daarood iyo beelaha Shanaad, hadii isbadal lagu sameeyo golaha wasiirada waxaa ay u noqon doontaa mid aan wanaagsaneyn.

4- Puntland & Jubbaland: Beesha DAAROOD ayaa xukumada ka helay sedex xil oo waa wayn kuwaas oo ay ka mid yihiin wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka, wasiirka qorsheynta iyo xariirka caalamiga ah iyo wasiirka dastuurka, hadii isbadal lagu sameeyo golaha wasiirada waxa ay ka cabsanayaan in xilalkaas ay heli waayaan.

5- Beelaha Shanaad: Waxaa ay heleen xilal qaarkood ay yihiin Wasiiro, waxaana ay awood qeybsiga beelaha kala mid yihiin beelaha qaar sida Daarood iyo Raxanweyn, hadaba kuma farxi doonaan hadii isbadal lagu sameeyo liiska golaha wasiirada.

Inkastoo ay jiraan beelo kale oo aan wasiiro ka helin dowlada cusub, hadana shanta aan kor kusoo xusnay waa kuwa haysta xilalka ugu waa weyn ee ku qanacsan wasiirada cusub.

 W/Diyaariyey: Salaad Xuseen Maxamuud (Daacad)

Xafiiska Shabakada Somalibile.com

Oslo-Norwey.

info@somalibile.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

548 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>