Tababarahii hore kooxda Leicester oo loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda Nantes

Tababarahii hore Leicester City Claudio Ranieri ayaa loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda Nantes isagoo u saxiixay heshiis laba sanadood ah.

Macalinkaan reer talyaani ayaa si mucjiso ah Foxes ugu qaaday horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii 2015/2016 inksatoo bishii February ee sanadkaan laga ceyriyay shaqada kooxda madaama uu xaalad xun u horseeday kooxda.

Renieri oo lala xiriirinayay kooxaha Watford iyo Crystal Palace, balse wuxuu go’aansaday inuu aado horyaalka faransiiska gaar ahaan kooxda Nantes.

Claudio Renieri wuxuu badalay Sergio Conceicao oo hal xilli ciyaareed leylinayay kooxdaan reer France, mana ahan markii ugu horeysay oo uu ka shaqeeyo horyaalkaan madama uu laba xilli ciyaareed maamulay As Monaco.

Claudio Renieri wuxuu Monaco ka keenay heerka labaad isagoo xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee heerka koowaad uu kaalinta labaad ugu dhameeyay ka hor inta uusan ku biirin Leicester City.

W/Diyaariyey:- Maxamed Maxamuud Cilmi (Maxamed Juube)

Shabakada Somalibile Media

Xafiiska Magaalada Muqdisho
Email: somalibile@gmail.com
info@somalibile.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*