Home Ciyaaro Suuqa kala iibsiga ciyaartooyada qaarada yurub iyo saacadahii uga danbeeyay.

Suuqa kala iibsiga ciyaartooyada qaarada yurub iyo saacadahii uga danbeeyay.

Suuqa kala iibisga bisha Janaayo ayaa xirmay bishii la soo dhaafay, laakiin wararka xanta ah ee ay qoraan warbaahinta isboortiga caalamka ma ahan kuwa joogsada, waxaana kooxaha ay durbaba sii bartilmaameedsanayaan xiddigihii ay la wareegi lahaayeen dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Hadaba warbaahinta somalibile.com ayaa idiin soo uruurisay maanta wararkii ugu waa weynee suuqa kala iibsiga ee maanta lagu qoray wargeysyada ka soo baxa dalka Ingariiska. Sugnaanshaha wararkaan mas’uul kama ahan somalibile.com waxaana xuquuqdooda iska leh wargeysyada calaamadahooda ku hor qoran.

Chelsea ayaa ka dalban doonta Eden Hazard inuu saxiixo heshiis cusub oo uu ku helayo todobaadkii aduun dhan 300,000 kun oo Pound, si ay isaga uga hortagto kooxaha kale ee xiiseynaya xidiga reer Belgium. (Mail).

Barcelona ayaa qiimeyneysa xaaladda daafaca Spurs Toby Alderweireld oo 28-jir ah, kaas oo xagaaga oo heshiiskiisa lagu jabin karo 25 Malyan oo Pound hadii uusan saxiixin heshiis cusub. Sidoo kale Man United ayaa dooneysa xidigaan reer Belgium, balse marnaba Daniel Levy ma doonayo. (Independent).

Paris Saint Germain ayaa ka dalban doonta Barcelona in la is dhaafsado Kylian Mbappe iyo Philippe Coutinho. Waxey isku dayayaan iney mideeyaan Coutinho iyo Neymar Jr, kaas oo aan ku faraxsaneyn xidiga reer France. (El Pais).

Borrusia Dortmund ayaa si fiican tartan adag ula gali doonta Bayern Munich, iyagoo isla damacsan helitaanka xidiga Bordeaux ee Malcom, sidoo kale Spurs iyo Arsenal ayaa dhinac ka doonaya. (Rhe Sun)

Borrusia Dortmund ayaa cabsi xoog leh ka qabta iney weyso fursad ay si joogto ah ugula wareegto Michy Batshuayi, sababtoo ah xidigaan qaabkiisa wacan wuxuu soo jiidi karaa kooxo kale. (Kicker).

Chelsea iyo Man United ayaa isku dayi doona saxiixa weeraryahanka reer Poland Robert Lewandowski – hadii 29-jirkaan ay kooxdiisa u ogolaato iney sii deyso maadaama heshiiskiisa uu dhamaanayo 2021. (Sky Sports).

Andre Villas-Boas ayaa ugu baaqay xidigiisii hore Harry Kane oo 24-jir ah inuu isaga tago gabi ahaan Tottenham Hotspur si uu koobab ugu guuleysto. (Talksport)

by mohamed juube

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here