Siminaar lagu Baranayay Mashruuca Maamulka iyo Maareynta oo loo qabtay 4 degmo oo ka tirsan Gobalka Banaadir.(Fiiri sawirada)

Aqoon isweydaarsigaan ayaa waxa ka faaiideeystay dad gaaraya ilaa 40 qofood oo ka kala socday degmooyinka gobalka banaadir gaar aahaan 4 degmo eek ala ah Xamarweyne ,Boondheere ,Shibis iyo Cabdicasiis.

Siminaarkan ayaa waxaa lagu baranayey Mashruuca maamulka iyo maareynta waxaana soo qabanqaabiyey Diaspora investment capital.

 

Mudo 4 maalin ayuu socday siminaarkan waxaana uu ku soo dhamaaday sidii logu talagalay, iyadoo dadki wax ku baranayay ay aman u jeediyey qaban qaabiyaasha siminaarka.

Guddoomiye ku xigeenka degmadda Xamarweyne Maxamed Macalin Axmed iidow  aya gebo gabadii ka soo qeyb galy isagoo shaahoodooyin gudoonsiiyey dadki wax ku bartay siminaarka.

Waxaa Sidoo kale   halkasi ku sugna  Dr.Ali Omar Abati Guddoomiyaha dhalinyarada gudiga nabada iyo xalinta khilaafaadka ee degmadda xamarweyne.

 

Gunaanadkii jawi deganaan ah ayuu ku soo dhamaaday aqoon isweydaarsigaasi oo ay ka faaiiddeysteen dad badan oo ka kala socda 4 degmo oo ka tiran goblka banadir.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*