SHEEKH MEHRIN LAHAA LAMAANE NOLOSHA KU MIDOOBI RABAY OO WAAYAY WADO UU U MARO.

0
68

Iyadoo sanadihii ugu dambeeyey ay sii kordhayeen cabashooyinka ka imaanaya qeybaha kala duwan bulshada ku nool magaalada Muqdisho, kadib markii waddooyinka magaalada intooda badan la xiray isla markaana ay adkaatay isku socodka dadka iyo gaadiidka, taasoo ay u sii dheer tahay dhibaatooyin amni.

Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed Sheekh Abuukar oo ah Afhayeenka golaha guud ee Culumada Soomaaliyeed ayaa sheegay in maanta loo diiday dhowr wado oo uu doonayay inuu maro si uu kaga qeyb galo mehrinta lamaane nolosha ku midoobi lahaa.

Sida uu sheegay Sheekha waxa uu ku sii jeeday hotel Safari oo ahaa halka la qorsheeyey inuu ka dhaco xaflada Meherka ama Nikaaxa, hase yeeshee waxa laga celiyey Isgoyska sanca iyadoo laga diiday aqoonsigii uu watay sida uu yiri.

Sheekh Soomow ayaa dib ugu laabtay wadada waxa uuna isku dayay inuu maro dhanka Isgoyska Afarta Jardiino, balse si la mid ah ayaa loo diiday inuu wadada maro isku day uu sameeyeyna aysan u suurtagelin inuu gaaro halkii meherka uu ka dhici lahaa.

“Booliska wadada joogay waan u taagay kaarkeyga aqoonsiga wayna iga diideen inay igu tixgeliyaan aqoonsiga aan watay, badalkeeda waxay igu dhaheen ID-kaarkaaga liq” ayuu si caro ay ka muuqato u yiri Sheekh Soomoow muuqaal kooban uu soo dhigay baraha bulshada.

Waxa uu baaq u diray Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Cumar Filish isagoo ka cosaday in wadooyinka la furo, isla markaana sharciga lala tiigsado Taliyaha ciidamada Booliska oo sida uu sheegay xirriir uu la sameeyey hadalo aan munaasib ahayn ugu jawaabay.

Dhacdadan ayaa sababtay inuu baaqdo xafladdii Nikaaxa ee la filayay inay nolosha ku midoobaan lamaanayaal Soomaaliyeed, waxayna warar aan helnay ay sheegayaan in dib loo dhigay munaasabaddii nikaaxa.

Si kastaba ha ahaatee shacabka magaalada Muqdisho ayaa qaata ka jooga wado ay maraan, waxaana sii kordhaya maalinba tan xigta wadooyinka la xiro, iyadoo sida aan wada ogsoon nahay xiligii doorashada madaxweyne Farmaajo uu ku jiray olalaha ay ka mid ahaayeen arrimihii uu balan qaaday inaysan jirin doonin wado la xiri doono haddii la doorto, amniga wax ka qabashadiisa hadduu ku falshimana taas badalkeeda inuu dhexda ka geli doono gaadiidka qafilan ee ciidamada AMISOM balse lama oga waxa iska badalay balanqaadkii hore ee Madaxweyne Farmaajo.

LEAVE A REPLY