Shaqaalaha Rayidka dowladda Soomaaliya oo maalinta barito ah laga joojiyey shaqada.

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in maalinta berrito ah oo ay taariikhda Hijriyadu ku beegantahay  12-ka Mowliid ay shaqaalaha Rayidka ah ee dowladdu fasax ka yihiin shaqada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Maxamed Cadde Mukhtaar oo la hadlay Warbaahinta dowlada  ayaa sheegay  in munaasabadda xuska dhalashada Nebigeenna Muxamed darteed loo fasaxay Shaqaalaha dowladda.

Wuxuu tilmaamay in Ummadda Soomaaliyeed iyo dhamaan shucuubta muslimiinta ah ay dhalashada Nebageennu u tahay maalin farxadeed oo ay aad u weyneyaan islamarkaana ay ka nastaan shaqooyinka kale.

Wuxuu u ku boorriyay Shaqaalaha iyo bulshada inteeda kale iney weyneeyaan munaasabadda xuska dhalashadii Nabigeenna Muxamed NNKH.

Shabakada Somalibile Media
Xafiiska Magaalada Muqdisho
Email: somalibile@gmail.com
info@somalibile.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*