Shaki baa asaagii ka reebay (Isaga iyo iyada maxaa dhexmaray!!!).

Ma aheyn Nin si saani ah wax u miisaami karo oo waxaa ka awood bataa Cudurka shakiga ee galaaftay maskaxdiisa, waxaad arkeysa isagoo maalin walba weydiinaya talooyin dad ka badan tobaneeyo, hadana sidaa oo ay tahay kuma qanco dadkaas oo waxa uu hoygiisa dib ugu laabtaa (u hoyaada) isaga oo cudurkii shakiga ahaa uu hareeyay maskaxdiisa.

Ninkii nuucaa ahaa ayey maalin gabari is barteen, isla qacdii horaba waa leys fahmay telefoonadii ayaan leys weydaarsaday balse kadib maxaa Dhacay:-

….Waxa uu Kulankoodii ugu horeeyayba hadal ugu bilaabay ”Saaxibo Kale Miyaad leedahay, telefoonkaada i tus”, mar ay banaanka qolkeeda aaday oo ay biyo cabitaan ah usoo qasaysay kaliyana qolka ay isugu soo hareen caruur ay gabadhu walaala yihiin ayuu si sira u weydiiyay caruurtii oo uu ku yiri.

 ”Walaashiin ma wiilal kalaa u yimaada”, iyaga oo aan wali u jawaab celin ayey qolkii dalaq soo tiri, hase yeeshee inan yar ayaa lasoo booday ”bilooyin ka hor”.

Iyada ayaase ku jawaab celisay oo tiri ”Waaryaahe waa maxay waxaad caruurta weydiineyso” isaga oo uu yax yax kamuuqdo jawaabta laga sugayana afkiisa kasoo bixi la’ dahay ayaa mid kamid ah caruurtii lasoo booday”  Wuxuu na yiri walaashiin ma saaxiibo kale ayey leedahay”.

Wuu kala batay wuxuu sheego ayuu garan waayay, waxeysa isaga oo sidii sii u aamusan bay ku tiri, “Maanta oo gurigeyga kugu horeyso hadaad sidaa u dhaqantay maxaan Beri Kaa Filan Karaa oo xigi doona….walaalow nakala daa dunida waa ii biloowee”, waxaase lasii Sheegayay isaga oo dhaqtar u raadsaday dawada shakiga Baa’bi’isa hadiiba la helayo.

Qalinka: Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji-Tahriib).

Shabakada Somalibile Media
Xafiiska Magaalada Muqdisho
Email: somalibile@gmail.com
info@somalibile.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*