SAWIRO: Magaalada Bergen oo bandhig heer sare ah loogu sameeyey buug ka hadlaya Nolosha Soomaalida Qurbaha.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana lagu daahfurayay Buugg la magac baxay Nasiibka iyo Nolosha Qurbaha ayaa maanta gelinkii dambe ka dhacay magaalo ka mid ah dalka Norway.

Xafladaan oo ahayd mid si weyn loo soo diyaariyey ayaa lagu qabtay Magaalada Bergen ee dalka Norway oo qoraha Buugga uu deegaan ahaan dagan yahay, iyada oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland (DEN SOMALISK KYINNEFORANING I HORDALAND) Maryan Aadan Cigale oo kalmado kooban ka jeedisay xaflada ayaa ku amaantay Jaaliyadda Soomaaliyeed sida quruxda badan ee ay uga soo qeyb galeen Xafladda lagu daah furayay Buugga Nasiibka iyo Nolosha Qurbaha, oo ay ururkeeda iyo Maamulka Jaaliyadda oo is garabsanaya ay suuragaliyeen dadaalkii ay sameeyeen, gaar ahaan Dhalinyaradda oo ay ku tilmaamtay xubno firfircoon.

Sidoo kale Guddoomiye Maryan ayaa amaan ballaaran kala dul-dhacday Qoraagga Buugga Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey), iyadoo talaabo lagu farxo ku sheegtay in magaalada Bergen oo leh qorayaal haddana laga helo qorayaal kale, taas oo ay xustay in ay dhiirigalin u tahay dhalinta kale.

Maryan Aadan Cigale waxa ay Guddoomiye u tahay ururka u dhaq-dhaqaaqa haweenka Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland, waxaana xusid mudan doorka aadka u weyn oo ay maanta ku yeelatay soo bandhigida Buuggaan.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed C/qaadir Axmed Raagge (Waayeel) ayaa si guud u booriyay dadka jecel in ay wax qoraan, waxa uuna halkaa ka codsaday in Jaaliyadda Soomaaliyeed lala shaqeeyo, isagoo tilmaamay haddii la helo wada shaqeyn la gaari karo hiigsi wanaagsan.

Xaaji Ciil Mooge Nuur Godana oo ka mid ah odayaasha Magaalada ayaa sheegay dhibaatada qurbaha in ay aad u fara badan tahay, isagoo tusaale u soo qaatay dadka sharciyada loo diido, qof sharci horay u helay hase yeeshee dib lagala laabto, qof aan ka faa’iideysan, caruurta la qaato, wuxuuna xusay in dhammaan intaas iyo in ka badan uu iftiiminayo buugga Nasiibka iyo Nolosha Qurbaha.

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa dadkii halkaasi ka hadlay Sheekh C/kariin Gaadle (Abuu-dalxa) aya dadka ku booriyey in wax la aqristo si uu qofku ugu dhiiran karo in uu madax noqdo “Umaddeena waa umadda iqra, waxna ma aqrino….wuxuu dadka ku booriyey in wax la aqriyo, isagoo sheegay haddii qofka uu wax aqriyo uu ku dhiiran karo inuu madax noqdo….” Ayuu yiri.

Sheekh Xuseen Xasan C/laahi oo isna ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bergen ee dalka Norway ayaa si gooban uga hadlay faa’iidada ay leedahay barashada afka Soomaaliga “Canugaaga inta uu afkiisa ka yaqaano ayuu diintiisu ka yaqaana…haddii ay ahaan lahaayeen dhan qoraal, aqrin iyo dhageysi, buugga waxyaabaha uu ka hadlayo waa dhibaatooyin na heysta haddii aynu nahay Soomaalida ku nool dalalka Qurbaha, waxaana dhammaan teen nala gudboon in aan xalino, qoraagana waa ku dhiiragelinaa doorka uu ku yeeshay soo bandhigtada buuggan faa’iidada weyn xambaarsan…”.

Sheekh Khaasin Aadan Maxamed oo dhankiisa ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ee magaca iyo maamuuska weyn ku leh Magaalada Bergen ayaa sheegay inuu ka mid yahay dadka buuggaan aqriyey, isagoo tilmaamay inuu awoodi waayay kala hakinta buugga “Aniga waxaa ka mid ahay dadka buuggaan qeybo badan oo ka mid ah aqriyey, walaalkeen Bile Maxamed ayaa buugga hadiyo ahaan iigu keenay, waxaana awoodi waayay in aan dhigo buugga, nafteydu waxay ii sheegaysaa in aan aqriyo dhammaan buugga waayo bog ama baal kasta oo ka mid ah waxa uu ka hadlayo waa dhibaato guud oo ina heysata, ama mid horay aan u soo marnay intuba ha ahaatee, waxaan dhihi karaa qoraaga waxa uu abaaray xaalada nolosha Soomaalida Qurbaha oo dhab ah, Dhammaan midna kama tagin dhibaatooyinka dalka aan uga soo tagnay ee ina soo qabsatay, mida Tahriibka iyo xaalada nololeed ee aan halkan kula kulanay oo aan ku wada nool nahay xaaladaha kala duwan qoraaga buuggana waxa uu inaga mudan yahay in aan u mahadcelino…. Ayuu yiri”.

Qoraa Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey) ayaa si kooban u faah-faahiyey sababaha ku kalifay inuu qoro Buuggan waxa uuna si ballaaran u sharaxay waxa uu ka hadlayo buugga, isagoo ugu dambeyntii u mahadceliyey dhammaan qorayaashii iyo asxaabtii kala duwanayd ee buugga kala qeyb qaadatay min bilow ilaa iyo dhammaad.

Qoraagu waxa uu sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay sida wanaagsan oo ay ku bilaabatay xaflada isla markaana ku soo dhammaatay laga soo bilaabo maalintii la iclaamiyey bandhiga Buugga ilaa iyo caawa oo magaalada Bergen si rasmi ah loogu soo gaba-gabeeyey.

Sidoo kale Madasha daahfurka Buugga Nasiibka iyo Nolosha Qurbaha waxaa lagu soo bandhigay Ruwaayad hal kudhigeedu ahaa (Guul Jaaliyad iyo Garawsi Caashaq) taasoo ay si masraxad ay ku jirto u jileen qaar ka mid ah dhalinyaradda Magaalada Bergen, halka daawadayaashu ay la dhaceen hab jiliinka iyo fariinta ay xambaarsanayd Ruwaayaddaasi.

Qoraa Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey) oo ka mid ah qorayaasha wargeyska Aayaha nolosha, ahna suxufi wax ku qora arrimaha Siyaasadda iyo Bulshada intuba, dadkuna ay aad u jecel yihiin ayaa horay u soo saaray buuggaag aad u tiro badan.

Ugu danbeyntii sawirka guud ee Caawa Magaalada Bergen ayaa ah mid ay dadku aad u hadal hayaan bandhig buugga Nasiibka iyo Nolosha Qurbaha waxayna dhammaan dhalinyarada iyo qeybaha kale ee dadka Magaaladu isla dhaafayaan hadalo hambalyo ah oo ay qaarkood u dirayaan Qoraaga Buugga iyo bulshada inteeda kaleeto.

W/Diyaariyey: Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey)

Bergen-Norway.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*