Saraakiil AMISOM iyo mas’uuliyiin ka tirsan Jubaland oo kullan xasaasi ah wada yeeshay.

Madaxweyne ku xigeenka 1 aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa shir deg deg ah la qaatey Saraakiisha Taliska Ciidamada Amisom ee ka howl-gala gobolka Gedo.

Kulankaan oo ka dhacay degmada Ceelwaaq ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Amniga deegaanada Jubbaland gaar ahaan Gobolka gedo,iyada oo ciidamo ka tirsan kuwa AMIOSM gaar ahaan kuwa Kenya ay gobolkaasi ku sugan yihiin.

Saraakiil ka tirsan kuwa AMISOM ayaa dhankooda waxa ay sheegeen inay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland kala Shaqeyn doonaan sugida Amniga iyo la-dagaalanka Al-Shabaab.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*