Saldhig AMISOM ay ku leeyihiin ceelasha biyaha oo la weeraray.

0
32

Xoogaga hubeysan ee al-shabaab ayaa weerar culus oo dhowr jiho ah ku qaaday fariisin ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka ceelasha biyaha oo dhaca duleedka magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan weerarka ayaa ka dhacay Xaafada Arbacow kana tirsan ceelasha biyaha, halkaasoo saldhig ciidan ay ku leeyihiin ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Weerarka ayaa ku bilowday garneelo lagu tuuray saldhiga kadibna waxaa xigay weerar toos ah sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka Xaafada Arabacow.

In kastoo aan la ogayn khasaaraha ka dhashay weerarka haddana sida warar xog ogaal ahi ay sheegayaan waxaa jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Maamulka deegaanka ceelasha biyaha iyo taliska AMISOM ee la weeraray labaduba wax war ah kama soo bixin oo ay kaga hadlayaan weerarkii xalay ka dhacay Xaafada Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha.

Si kastaba ma ahan markii ugu horaysay dagaalamayaasha Al-shabaab weeraro ka fuliyaan duleedka iyo gudaha caasimada magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY