Home Ciyaaro Ronaldinho: “Harry Kane koox weliba wey rabtaa…”.

Ronaldinho: “Harry Kane koox weliba wey rabtaa…”.

Waxaa soo badanaya wararka ku aadan in weeraryahanka kooxda Tottenham Hotspur Harry Kane uu ku biiri karo mid ka mid ah kooxaha waaweyn ee qaarada yurub kadib suuqa furmi doona dhamaadka xili ciyaareedkan.

Mucjisadii hore kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Brazil Ronaldinho ayaa wuxuu kasoo muuqday saxaafada, wuxuuna kaga warbixiyay wargeyska “Daily Star” ee dalka Engaldn wararka ku aadan in Tottenham Hotspur ay ku adag tahay sida ay ku heysan lahayn laacibkeedan reer England.

Ronaldinho ayaa ugu horeyntii sheegay: “Barcelona, Real Madrid, Manchester City, muhim ma ahan sida ay u xoogan tahay kooxda uu ku biirayo Harry Kane”.

Halyayga reer Brazil ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Harry Kane wuxuu ka mid yahay ciyaartoyda fara ku tiriska ah ay koox kasta ee weyn dooneyso inay ku heysato safkeeda, suuqii kala iibsiga ee lasoo dhaafay waxaan ka baranay sida kooxaha ugu waa weyn yurub ay ugu bixiyeen dhaqaala xoogan saxiixyada qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka”.

Ronaldinho  ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Waxaa jira afar ama shan kooxood oo aan lacagta xiiso u qabin, isla markaana aanan jirin waxaa caqabad ah ee hortaagan, haddii ay doonayaan ciyaaryahan, waxay bixinayaan lacagta si ay u helaan, si kasta uu heshiiska u xooganaado”.

Wariye maxamed maxamuud cilmi

Maxamed juube

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here