Home Ciyaaro Real Madrid iyo Manchester united oo heshiis ka gaaray Alvaro Morata.

Real Madrid iyo Manchester united oo heshiis ka gaaray Alvaro Morata.

11
0

Kooxaha Real Madrid iyo Manchester United ayaa heshiis ka gaaray xaalada Alvaro Morata sida ay sheegayaan wararka soo baxaya maanta oo khamiis ah.

Cadena Cope oo ah Idaacad isbaanish ah ayaa maanta shaacisay in labada koox ay is faham uu dhaxmaray, islamarkaana ciyaaryahanka uu si rasmi ah ugu dhaqaaqayo United isniinta soosocta.

Jose Mourinho ayaa u baahan bedelka Zlatan Ibrahimovic oo ka tagay kooxda, xili uu ku fashilmay saxiixyada Antoine Griezmann iyo Lukaku.

Express Sport ayaa ogaatay in United ay dooneynin inay bixiso wax ka badan £ 60 haddii Morata ay la saxiixanayaan.

Laakiin warbixinta ayaa sheegtay in £ 75m oo uu ugu biiray Gonzalo Higuain Juventus iyo £ 105m oo lagu qiimeynayo weeraryahanka Monaco Kylian ay ku qasbeyso Madrid in ay qiimo sare hesho.

Si kastaba ha ahaatee wakiilka Morata oo lagu magcaabo Juanma Lopez ayaa arbacadii shalay wadahadal kula qaatay Bernabeu maamulka Real Madrid, waxaana la rumeysan yahay in la isku afgartay iibka Morata.

24-sano jirkaan ayaa horay heshiis ula gaaray kooxda Manchester United, iyadoo tababaraha United Jose Mourinho maalin kasta xiriir uu la sameeyo Morata si uu kaga dhaadhiciyo inuu u dhaqaaqo England.

United iyo Madrid ayaa la filayaa inay kulamaan maanta si xal looga gaaro mustaqbalka weeraryahanka Spain Alvaro Morata .

Manchester united ayaa rajo weyn ka qabto in ay Real madrid ka hesho 24 jirkaan Isbaanishka ah maadama real horay loogu iibiyay xiddigo badan oo ka tirsanaa Manchester united oo ka mid yihiin Ronaldo van nistelrooy iyo Gebrial heinze

United ayaa dhameystiray xalay saxiixa Victor Lindelof kaasoo kaga yimid kooxda reer Portugal ee Benfica.

W/Diyaariyey:- Maxamed Maxamuud Cilmi (Maxamed Juube)

Shabakada Somalibile Media

Xafiiska Magaalada Muqdisho
Email: somalibile@gmail.com
info@somalibile.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here