Real Madrid ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa xidiga reer Serbia Milinkovic-Savic

iyadoo ay jiraan warar kale oo xidigaan la xiriirinaya kooxaha Liverpool & Man United.

Ku dhawaad 25 ilaa 30 ciyaartoy ayaa lala xiriirinayaa kooxda Real Madrid, maadaama la filayo in xagaaga soo aadan ay kooxdaan sameyn doonto hawlgal baahsan oo dhanka suuqa kala iibsiga ah.

Milinkovic-Savic wuxuu u saftay 100 kulan in ka badan kooxaha SS Lazio, Genk iyo Vojvodina, kaliyana waa 22-jir kasoo muuqday koobka Aduunka ciyaartoyda da’dooda ay ka hooseyso 20-jirada.

Florentino Perez wuxuu diyaar u yahay inuu xidigaan kasoo helo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyadoo Lazio ay diyaar u tahay iney xidigaan ku hesho aduun aad u sareeya maadaama uu ka mid yahay ciyaartoyda aadka loo qiimeeyo.

Wiilkaan waxaa dhalay halyeeyga kubadda koleyga Nikola Milinkovic kaas oo horay ugu ciyaaray kooxda Almeria, sidaas darteed nolosha Spain mar walba wuu jecel

yahay xidigaan heerka caalami.

Manchester City ayaa sidoo kale xooga saareysa xidigaan sidii ay ku heli laheyd, balse dagaal badan ayaa ka dhici doona arinta xidigaan waana faa’iido weyn oo ay Lazio heysato maadaama ay lacago badan ku heli karto.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*