Home Sheekooyin Qadarta EEBE qofna haku nicin ilaa dunida waa wareegtee!. (Qiso xanuun badan)...

Qadarta EEBE qofna haku nicin ilaa dunida waa wareegtee!. (Qiso xanuun badan) Qeybtii 60-aad.

34
0

Dhanka Kale Labada Reerood ee Ramlo iyo Dr Maxamuud Waxa ay Ku Jiraan Diyaar Garow iyo Aroos u Digid, Arooskooda Waxaa ay ugu Talo Galeen ineey ku Dhigaan Mid Kamid ah Hoteelada ugu Quruxda Badan Magaalada muqdisho.

Alaabada Fadhiga iyo Jiifka Waxaa lagu Qarash Gareeyay 2500 Doolar, Xafladda Arooska uu Hotelka Kadhacayo Waxaa Loo Qoondeeyay 2000 Doolar, Meherka Waxa ay Ramlo iyo Dr. Maxamuud isku Af Garteen in uu Noqdo Lacag Dhan 5500 Doolar Totalka Guud Waxa uu Noqonaya Aduun Lacageed oo Gaaraya 10,000 Doolar

Labo Maalin oo Qura ayaa Ka Dhiman Aqal Galka Ramlo iyo Dr. Maxamuud , Balse Ramlo Waxa ay Gabdho Asxaab Ahaayeen Ku Balameen ineey Ku Kulmaan pizza House.

Hayeeshee intii ay Halkaa Gaarin ayaa Gaarigii ay Saareed Gaari Kale Ku Ag Qarxay Firiro Dhowr ah Ayaa Labada Lugood Ka Haleelay Ramlo, Waxaase Loola Cararay isbitaalka Madiino oo ay Dhowr Sano Kahor Gashay Waa Markii ay Koomaha Gali Jirtaye, Waxaase Laga Gooyay Labada Lugood Kadib Markii Xal Kale Loo Waayay.

…..Ramlo Markani Waa lugo La,aan Reerkii Dr.Maxamuud ineey Gabadha Soo Booqdaan iska Dhaafee Wiilkooda Waxa ay Kula Taliyeen inuusan Sii Sugin Gabar Curyaan ah oo Lugaheeda Ku istaagi Karin,…..Alla Wayoo Way….Waxaa Kasoo Baxay Xaqii ay Ka Gashay Waasugaha Sariirta Darteed ugu Ururay, Waa Aduunyo oo Horaa Loo Yiri Qofba Maalintiisa Madfaca Loo Ridaa.

Waasugane isaga oo Sariirta Saaran ayaa Loo Sheegay in Gabdadhii Shalay Curyaanimada Ku Ceyneysa Jaceylkiisan Ku Diiday ineey iyadana Maanta Tahay Curyaan Kale oo Ninkii Guursan lahaa Xataa uu Deyriyay.

Waxaa ilaah Qadaray in Heestii Maalintii ugu Horeysay ee Waasuge ay Curyaanimada ugu Deyrineysay Qalbigiisa Kusoo Dhacday in iyana Maanta oo ay Curyaan Tahay Qalbigeeda Kusoo Dhaco, Waxaana Heestaa Wada Qaada Xasan Aaden Samatar iyo ilaah Ha u Naxariistee Xaliimo Qaliif Magool Waxaana Ereyadeeda Ka Mid ahaa:-

Xalaytaba Caweyskii,
Canabeey Daruuraha,
Cimidh Beey Ahaayeen,
Caawana Laguma oga,
Waqtigii Ku Ciiliyo,
Cizigiyo Wanaaguba,
Weys Daba Caraabaan,
Waxaana Kuu Cadeyn Kara,
Caamiyaha indhaha Li,iyo,
Ma Ogtahay Curyaankuba,
Cago Looma Waayine,
Ceynkaa Waxa loo yiri,
Kuwa Cararaye Ladan,
Ineey Ku Cibri Qaataan,
Ee Caashaqa Ha Baayicin,

Dhamaad…..Dhamaad…..Dhamaad…..Dhamaad.

Qalinkii Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji-tahriib).

Shabakada Somalibile Media
Xafiiska Magaalada Muqdisho
Email: somalibile@gmail.com
info@somalibile.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here