Qadarta EEBE qofna haku nicin ilaa dunida waa wareegtee!. (Qiso xanuun badan) Qeybtii 59-aad.

Maalmo Kadib Caasho Carab Dheer iyo Kooxdii ay Wada Socdeen Waxa ay Gaareen Dalka liibiya, Balse Nasiib Xumo Waxa ay Gacanta u Galeen Magafaha Caanka Ka ah Dalka Liibiya Kasoo Gabigoodba Qol Ku Xirtay una Sheegay inuu Kalyaha Kala Baxayo Qofkii Reerkiisa aysan Soo Dhiibin Lacag Gaareysa 8000 Doolar.

Maalmihii Horeba Waxaa Gadigood Lagu Bilaabay Garaac, Biyo Qaboow oo Lagu Rusheeyo, Xarig Koronto oo Lugaha iyo gcmaha looga Qabto, Mir Kibriid La Shido oo Cidiyaha Laga Saaro, Qarsho La Jajabiyay oo layiraahda Ku Socda I.W.M.

Caasho iyo Reerkoodii Waa isku Laabteen Waa ayna Waayeen Lacag Kabadan 6000 Doolar, Halka Kooxdii Lasocotay Markii Magafe Lacagihii Soo Gaareen uu Gabigoodba Fasaxay.

Caasho oo Qura ayaa Kusoo Hartay Qolkii Waxaana lasaaray Saaladii Qaliinka ee Kilida Loogala Bixi Lahaa , Balse Nasiib Daro Markii Kilida Lagala Baxay ayeey u Geeriyootay Dhiig Bax Fara Badan, Mana Jirin Wax Jixin Jix ah oo ay Sameeyeen Qolodii Qaliinka Sameyneysay.

Dhanka Kale Labada Reerood ee Ramlo iyo Dr Maxamuud Waxa ay Ku Jiraan Diyaar Garow iyo Aroos u Digid….

La soco qeybta 60-aad.

Shabakada Somalibile Media
Xafiiska Magaalada Muqdisho
Email: somalibile@gmail.com
info@somalibile.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*