Qadarta EEBE qofna haku nicin ilaa dunida waa wareegtee!. (Qiso xanuun badan) Qeybtii 58-aad.

Iyada oo Badqabta ayeey Neyroobi Caga Dhigatay oo Waliba Wax Dhibato Saas u Sii Weyni aanan Soo Gaarin Marka Laga Reebo Wax Xoogaa Maalmo oo ay Safarkii Ka Reebeen Ciidamada Keenya kuwooda Kontorolka Gaarisa.

Hayeeshee Bil Markii ay Joogtay Ayaa Wiilal iyo Gabdho Dhalinyaro Ah oo u Safrayay Liibaya ay Kadhaadhiciyeen ineey Afrika iyo Gaajadeeda Dhaafto oo ay ku Lug Darsato Safarkooda Kuwajahan Yurub.

Reerkoodii ayeey Wacday Waxa ayna Ka Dhaadhicisay ineey Lacag ay ugu Tahriibto Yurub usoo Diraan Sidii ayaana loo Sameeyay oo Waa loo Soo Diray.

Diyaar Garoow Kadib Safarkii Waa uu isku Duba Dhacay Waxa ayna Raceen Gaari Kusii Jeeday Dalka Suudaan Magaalo Madaxdiisa Khartuum, Hakaasoo oo ay Hadana ugu Sii Talaabeen Saxaraha Suudaan ee Qofkii Ka Gudbaa uu Nasiib Leeyahay.

Maalmo Kadib Waxa ay Gaareen Dalka Liibaya Waxa ayna Gacanta u Galeen Magafaha Caanka Ka ah Liibaya ee…

La soco qeybta 59-aad.

Shabakada Somalibile Media
Xafiiska Magaalada Muqdisho
Email: somalibile@gmail.com
info@somalibile.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*