Qadarta EEBE qofna haku nicin ilaa dunida waa wareegtee!. (Qiso xanuun badan) Qeybtii 57-aad.

Maalmo Kadib Ciidamada Amaanku Waxa ay Heleen Xog ah in Caasho Kiiska Zamzam iyo Kiisas Kaloo Badan ay Ku lug leedahay , Waxa ayna u Galeen Baadi Goob, Tiro Ka Sedex Jeer oo Ciidamadu Tageen Gurigooda Waa ay Ku Guuldareysteen in ay Gacanta Kusoo Dhigaan.

Caasho iyana Waxa ay Ka war Heshay in Ciidamada Amaanku ku Raad joogaan Waxa ayna u Baxsatay Magaalada Beydhabo oo ay Gaari u Raacday, Si ay Halkaasi ugu Sii Gudubto Magaalada Baladxaawo oo ku Taala Xuduudka u Dhexeeya Soomaliya iyo Keenya Waxa ayna Go,aan Ku Qaadatay ineeysan Joogsan ilaa Magaalada Neyroobi oo Safarkeeda Ku Wajahan yahay ay Cagta Dhigto.

Halka Cumar Biyoonde uu Kamid Noqday Ragga Qashimada Magaalada Ka Aruuriyo, Waxaase la Yaab Leh Cumar Ninkiiba Maaha Waalidiisa Kadib Waxa uu Noqday Nin Sheeko Badan oo Xataa Dhalinta Baararka Shaahiga Ka Caba Waa ay u Wacan si ay ugu Maadeystaan, Maadaama Waalidiisa Kadib uu Noqday Sheekeeye Wanaagsan oo Laga Dhaxlo Murti.

Sidoo Kale Reerka Zamzam Tacsidii Waa Ay Kasoo Afjarantay, inkastoo Reerku Masiiba Haleeshay Hadana Qadarta Eebe Waa ay Ku Qanacsan Yihiin.

Dr. Maxamuudna intii Tacsidu Taalayba Waxa uu Ahaa Ninka ugu Cad Cad ee Reerka Caawinay…..

La soco qeybta 58-aad.

Shabakada Somalibile Media
Xafiiska Magaalada Muqdisho
Email: somalibile@gmail.com
info@somalibile.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*