Qadarta EEBE qofna haku nicin ilaa dunida waa wareegtee!. (Qiso xanuun badan) Qeybtii 55-aad.

Dhanka Kale Marxuumadda Zamzam Geerideeda Dhaqaatiir Loo Wacay Ayaa Xaqiijisay, oo Ramlo iyo Hooyadeed Waa Quusteen Kuna Qanceen Qadarta Eebe, Habeenkiiyoo idilna Guriga Lagama Jiifaan oo intaas Waxaa Soo Galayay Ehel Asxaab iyo Deris, Kuwaasoo Jeclaa ineey Reerka Murugada La Qeybsadaan ugana Tacsiyadeeyaan geerida Ku Timi Gabadhooda Zamzam.

Ayaantu Waa maalin Arbaca ah Saacaduna Waa 6:00 Aroornimo Markii Waagu Baryay Ayaa Caasho Gurigeeda Waxaa Loogu Keenay Wargeyska Aayaha  Nolosha Kasoo Ka Faalooda Arimaha Qoyska Nabadda iyo Jaceylka Bogiisa Horana Waxaa Lagu Xardhay Cinwaankan:-

Gabar Ninkii ay Uurka u Laheyd Sixirtay iyadiina is Dishay!!.

Wargeyskan oo Kamid ah Wargeysyada ugu Afafka Dheer ee Ka Faalooda Arimaha Qoyska Kana Soo Baxa Magaalada Muqdisho ahna Mid Leysku Haleyn Kara Wararkiisa ayaa Waxa uu u Qoraa Sida Tan:-

Habeenimadii Xalay Aheyd ayaa Waxaa Xaafadda Laba Dhagax ee Magaalada Muqdisho Nafteeda isku Dhaafisay Gabar Magaceeda Lagu Sheegay Zamzam.

Wariyaheena Kasoo Warama Xaafadda Labadhagax ayaa Waxa uu noo Sheegay in Gabadhasi ay Sun Cabtay Kadib Markii Nin Meher Hoose Ku Qabay oo isaga oo aan Guri Geysan uu Banaanka Ku Furay.

Ninkaas ayaa La Sheegay in inta aysan Zamzam Geeriyoon Kahor ineey Sixirtay oo Dhaaw iyo Falfal Loogu Soo Sameeyay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose u Adeegsatay.

Sidoo Kale Waxaa Lasheegay in Gabar Magaceeda la Helin ay Sixirkaasi Ka Caawisay Marxuumadda Taasoo aan ilaa Hadda Wargeysku Helin Magaceeda Laakiin uu Wariyaheena Xaafaddaas Nooga Soo Warama uu ……

La soco qeybta 57-aad.

Shabakada Somalibile Media
Xafiiska Magaalada Muqdisho
Email: somalibile@gmail.com
info@somalibile.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*