Odayaal ka hortagay weerar lagu qaaday Masaajidka Al-Noor oo abaalmarin la guddoonsiiyey.

Mohammed Rafiq oo 65-jir ah ayaa sameeyey ka hortag bad-baadin nafaf yaal fara badan kadib markii uu qabtay wiil Norwegian 20-jir ah, kaasoo lagu magacaabo Philip Manshaus markii uu soo galay maasjidka Al-Noor Islamic Center Sabtidii la soo dhaafay si uu xasuuq uga geysto halkaasi.

Odayga 65-jir jirka waxaa caawiyay Maxamed Iqbal oo  75-jir ah kaasoo ay ku wada sugnaayeen gudaha masaajidka dhagar qabaha uu doonayay inuu muslimiintii ku cibaadaysayay xasuuq ugu geysto.

Maalinimadii Khamiistii la soo dhaafay ayaa lagu sharfay xafiiska booliska Sandvika, halkaas oo lagu guddoonsiiyey ubaxyo, isla markaana loogu qubeeyey ammaan ay ka heleen Taliyaha booliska Magaalada Oslo Beate Gangås iyo Duqa xaafadda Bærum Lisbeth Hammer Krog, sida uu qoray wargayska Budstikka.

“Aad baad ugu mahadsan tihiin geesinimada iyo dadaalka wanaagsan ee aad samayseen dhacdadii Sabtidii 10 Agoosto” iyo hadalo kale oo dhammaan amaan iyo bogaadin isugu jiray ayay madashaas ka yiraahdeen Beate Ganås oo ah Taliyaha booliska magaalada Oslo iyo duqa xaafada Bærum Lisbeth Hammer Krong.

Labada Nin ayaa jawaab deg degga ah oo Wanaagsan sameeyay si ay uga hortaggaan qasaaro nafeed, waxa ay xasuusan doonaan inta ka harsan noloshooda, sidaa waxaa mar kale yiri taliyaha booliska Beate Gangås.

“Aad ayay muhiim u tahay inay arkaan in wixii ay sameeyeen la qadariyo, ereyadan ay halkan ku maqlaan, waxay ku xasuusan doonaan noloshooda inta ka hartay” ayuu yiri Cali.

“Waa inaan ilaalinaa mustaqbalka carruurteena, waa inay tusaale u noqdaan dadka Norwayjiga ah, iyo dalalka kale” sidaas waxaa yiri Rafiq.

Labada Nin waxaa loo sameeyay lacag aruurin sidoo kale waxaa loo sameeyay ballan qaad labada geesiyaal iyo qof saddexaad si ay xajka u aadaan sanadka danbe haddii alle idmo.

Ilaa hadda waxaa lacagta laga aruuriyay dad gaaraya 1,131 qofood, qiimaha lacagaha waa 225,950kr waxaa la sugayaa sanad kadib lacagta inay gaarto Malaayiin, si ay abaalmarin ugu noqoto geesiyaashaas ku dhiiraday inay bad baadiyaan jameecadii ku sugnayd masaajidka Bærum oo qiyaas ahaan 15-daqiiqo u jirta magaalada Caasimada ah ee Oslo.

Waxaa turjumay isla markaana diyaariyey: Wariye Midnimo.

Oslo-Norway.

Somalibile.com

SAWIRKA HOOSE WAA WARIYE MIDNIMO:-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*