Odawaa “Guddoonka mashruuc ayuu soo qaatay si uu u afxiro Baarlamaanka..”.

0
122

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa eedeyn u jeediyay Gudoonka Golaha Shacabka oo uu sheegay in uu mashruuc kusoo qaatay Burburinta Golaha Shacabka.

Waxaa uu sheegay in aan la aqbali doonin in la xiro Golaha Shacabka inta lacago yaryar lasoo qaato, taasina aysan sharciga waafaqsaneyn.

Waxa uu u soo jeediyay Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan inuu ixtiraamo sharciga, isagoo intaa ku daray in aanay aqbali doonin in Golaha Shacabka sidii la doono laga yeesho.

“Guddoonka baarlamaanka mashruuca ayuu soo qaatay ee ah inuu baarlamaanka af xiro, mana aqbaleyno, Guddoomiyaha waxaan ka codsaneynaa inuu sharciga aqbalo, ixtiraamo, Dhageysto, Gudoomiyaha ma ahan Guddoomiye Kooxeed, waa Gudoomiyihii Golaha Shacabka” ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

“Magaaladaan Muqdisho dhibaatada ka jirta waad ka war-heysaan, madaxdiii qaar ee la wacay lama hayo sida Taliyaha Nabadsugida Kusimaha ka ah, Saxaafaduna xaq bey u leedahay iney maqasho waxa meesha ka dhacayo” ayuu hadalkiisa intaasi ku sii daray.

 

LEAVE A REPLY