Home Maqaalo MUQDISHO: MAGAALADII MURUGADA!!! QALINKII BILE BAASTEY.

MUQDISHO: MAGAALADII MURUGADA!!! QALINKII BILE BAASTEY.

9
0

February 08, 2017 waa markii Maxamed C/laahi Farmaajo loo doortay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kagadaal markii uu tartan xoog leh kaga adkaaday Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada kale ee dalka ka bilowday isku soo baxyo taageero xoog leh ay shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen Madaxweynaha Cusub ee xiligaas la doortay, iyadoo doorashada Farmaajo wax yar un kadib uu caan baxay Ereygii “AR FARMAAJO II GEEYA!!!” iyo halkudhigyo kale oo dhammaan lagu muujinayay taageero dowladda Cusub, hase yeeshee Magaalada Muqdisho ayaa noqotay mar kale magaalo marti gelisa Murugo iyo Ciil hor leh, waxaana si cad ugu fashilmay laamaha Amaanka.

MURUGADII 14-KII OKTOOBAR.

14kii Oktoobar waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Zoobe ka dhacay qarax lagu hoobtay oo ay ku naf waayeen dad ka badan 500-qof, kaasoo lagu sheegay in uu ahaa midkii ugu weynaa ee abid ka dhaca gayiga Soomaaliyeed amaba qaarada Afrika, waxaana ku dhaawacmay tiro inta dhimatay ka badan.

Waxaa bar-barsocday wixii xiligaasi ka dambeeyey qaraxyo iyo weeraro kale kuwaa oo Xoogaga hubeysan ee Al-shabaab ka imaanayay iyo kuwo isku dhacyo ciidamada dowladda dhexdooda ah oo ay ku dhinteen dad badan oo ay ka mid ahaayeen Wasiiro, Xubno ka tirsan shaqaalaha dowladda, Qaar ka mid ah Xubnihii soo doortay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaano ka tirsanaa qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka iyo shaqsiyaad kaleba.

BILOWGA BISHA RAMADAAN.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa kasii darayay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay tan iyo markii ay dhalatay bisha qeyrka iyo fadliga badan ee RAMADAAN, caadi ayayna ka noqdeen dilalka, qaraxyada, weerarada iyo wax waliba oo dhibaato amni ku ah dadka shacabka masaakiinta ah taasoo ay u sii dheer tahay wadooyinka oo laga xir-xiray xaalkooduna uu noqday (INTEEN KA BAXAA MEEL ALLA).

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka taagan Murugo wajiyo badan leh oo la soo sheegayo in ay saamayn xoog leh ku yeelatay dadka shacabka ah, taasoo ay ugu horeyso markii kooxaha ka horjeeda dowladda ay bilaabeen inay muuqaalo argagax gelin ah ka soo duubaan dadka ay dilalka u geysanayaan isla markaana ku baahiyeen baraha bulshada waana qeyb ka mid ah Argagaxa iyo murugada wehelka u ah magaalada Muqdisho waana nooc cusub.

XIR-XIRNAANTA WADOOYINKA MUQDISHO.

Hay’adaha Amaanka oo shaki ku jirin fashilka heysta waxay xireen wadooyinka halbowlaha u ah isku socodka dadka shacabka reer Muqdisho waxayna taasi keentay cabasho iyo qeylo dhaan soo yeertay, shacabkana la murugeysan yihiin wadooyinka oo ka xiran, dilalka oo joogta ah waliba muuqaalo Live laga soo duubo, qaraxyada iyo weerarada oo kordhaya xaaladahaas qatarta ah ee ka taagan Magaalada Muqdisho.

Xir-xirnaanta wadooyinka Muqdisho waxay keentay dhammaan baabuurta mari jirtay jid cadayaasha in ay isugu yimaadaan laamiyada waxayna safaf dhaadheer ugu jiraan baaritaanada dhicisooba ee ka socda wadooyinka waxayna abuureen cirriiri fara badan oo aan dowladdihii ka horeeyey dowladdan waqtiyadooda uga jirin Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

Gaadiidka Caafimaadka ee gargaarka deg-dega ah (AMBULANCE) ee u adeega shacabka bukaanada caadiga iyo kuwa dhaawacayada qaba waxay dhibaato aad u weyn ku qabaan marinkii wadooyinka xaafadaha oo laga xiray waxayna saf dheer usoo maraan sidii ay ku gaarsiin lahaayeen bukaanada ay wadaan goobaha caafimaadka, hase’ahaatee saxmada iyo xirnaashiyaha wadooyinka muhiimka ah ayaa sababta inay ku adkaato deg-deg ku gaarida halkii ay ku socdeen, shacabka reer Muqdisha-na waxay midaasi ku noqotay murugo hor leh oo dig soo tiri.

NABAD SUGIDA IYO MILITARIGA SOOMAALIYA OO JOOGTO DAGAAL KU DHEXMARA MUQDISHO:-

Waxaa sii kordhaya iska hor’imaadyada magaalada Muqdisho ku dhex mara Ciidamada Nabad sugida iyo kuwa Militariga Soomaaliya ayaa waxay arrintaasi walaac iyo cabsi xoog leh ku abuurtay dadka shacabka ah oo halkii ay filayeen ciidamada inay dagaal mideysan la galaan xoogaga ka horjeeda inay iyaga dhexdooda qoryaha isku sitaan oo askariba midka kale dhufeys kaga jiro.

Dad badan ayaa is weydiinaya waxa uu salka ku hayo isku dhacyada ciidamada, shaki kuma jiro in dhowr arrimood oo is biirsaday inuu sababo isku dhacyadaasi taasoo ay ugu horeyso ciidanka oo wali qaab qabiil u abaabulan waxayna inta badan la kala saftaan marka shaqsiyaad beelaha ay ka soo kala jeedaan soo kala dhex galo Murano nooca uu doonaba haku yimaadee iyadoo badanaa muranada dagaalada sababa uu salka ku hayo isqabqabsi dhulal la isku hayo, Siyaasiyiin kala aragtiyo duwan, lacagaha jagboontiyada laga qaado, iska dilashada qoryaha iyo arrimo kaleetaba.

Iska hor’imaadyada hubeysan ee dhexmara ciidamada militariga iyo kuwa Nabad sugida waxaa ka dhasha khasaare dhimasho, mid dhaawac kaa oo gaara dadka shacabka iyo ciidamada iska hor’imaadku dhexmaro.

Saraakiisha laamaha amaanka iyo madaxda dowladda marar badan ayay digniino isku mid ah ka soo saareen isku dhacyada Magaalada Muqdisho ku dhexmara ciidamada Nabad sugida iyo kuwa Militariga hase yeeshee ma noqon kuwo dhaqan gala.

IMISA BAJAAJLE AYAA KU MAQAN GACANTA CIIDAMADA DOWLADDA.

Dhalinyarada ku xamaalata wadida gaadiidka loo yaqaan Mooto Bajaajka ayaa dhibaatooyin aan caadi ahayn kala kulma ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana bilihii ugu dambeeyey magaalada Muqdisho lagu dilay tiro darawaliin Bajaajley oo ku maqan gacanta ciidamada dowladda.

Inay sugaan amniga dhalinyaradaas la tacaalaysa nololmaalmeedka qoysaskooda iskaba daaye waxay tiro badan oo ka mid ah dhalinyaradaasi xabaal ugu jiraan ciidamada dowladda, mana jirto askari loo soo qabtay gadood falkaasi waana murugo ay habeenkii la hoydaan aroortiina la soo toosaan dhalinyarada ku xamaasha wadida mooto Bajaajka, waxaase u sii dheer cirbado sun ah oo lagu diro gaar ahaan HIV-EDHIS.

Shacabka magaalada Muqdisho arrimahaasi aan kor ku soo sheegay ma ahan mid qabta, hase yeeshee waxaan leeyahay Rabbi talo kugu filan mar walba.

In kastoo arrimaha dhacaya ay dhammaan yihiin kuwo xagg RABBI ka yimaada qadartuna sinaba aan looga gudbi Karin, haddana waxaa moodaa inuu jiro dayac dhanka dowladda gaar ahaan hay’adihii ku shaqada lahaa oo gabay waajibaadkoodii shaqo iyo la xisaabtan la’aanta xildhibaanada Baarlamaanka oo looga fadhiyey inay arrimahaasi wax ka weydiiyaan dhinacyada ay quseyso.

GUNAANADKII:-

Shacabka magaalada Muqdisho oo bil waliba qasnada dowladda ku xareeya adduun lacageed xaq waxay u leeyihiin in ay helaan nabad geliyo, wadooyin ay ku socdaalaan xiliga ay doonaan, adeegyada kale ee Aas-aasiga u ah noloshooda, mana mudna in mas’uul walba xiliga ololaha uu afgobaadsi reer magaalnimo dareen soo jiidasho leh iyo balanqaadyo aan afka labadiisa baar dhaafsiisneen ku beer laxowsado ololaha kadibna dhabarka xijiyo.

Ma ahan arrin wanaagsan in Muqdisho marti u ahaato MURUGO, waxaase haboon qaladka ay tabanee shacabkeeda in laga xaalmariyo si jahwareerka iyo caloolyowga MURUGADA xambaarsan ugu baxaan.

W/Qoray:- Bile Mohamed Abdi (Bile-Baastey).

Norway-Bergen.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here