MUQDISHO MAGAALADDII MOWDKA…!!!!.

Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxay la kufayaan isla markaana la daalaadhacayaan dhibaatooyin fara badan oo kaga imaanaya dhinacyada, Al-shabaab, Daacish, Ciidamada Dowladda iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo sida tusbax go’ay oo kale si maalinle ah uga dhacaan Qaraxyo sababa dhimasho, Dhaawac, bur-bur hantiyadeed iyo dilal qorsheysan oo lala bartilmaameedsado qeybaha kala duwan ee bulshada.

Hooyo Soomaaliyeed kuna nool magaalada Muqdisho ayna ka muuqatay dayac iyo xaalad murugo leh oo saameesay nolosha qoyskeeda ayaa tiri “Waxaa si naxariis ka bax ah loo dilay wiilkeyga oo ahaa gaashaankeyga gacantayda midig…..waxa uu inoogu xamaali jiray Mootada saddex lugaaleeyda ah (BAJAAJ-TA), wuxuu inoo soo helo ayaana nafta ku ceshan jirnay, wiilkaas yar ee nolosheena ku tiirsanayd waa nala dhaafiyey oo la xabaalay….waxaa sidaas yeelayna waa Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, cid is weydiisay iyo cadaalad aan helnay midna ma jirto” ayay dareen Murugo xoogan leh ku tiri, iyadoo ay ka qubanayso illin ay ceshan wayday.

Magaalada Muqdisho waxay noqotay magaaladdii Mowdka, cid loo arxamo ma jirto, waxayna xaalada noqotay maxaa iiga dan iyo heelo ah, halka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay u muuqato mid guuldaro weyn ka heysato dhinaca Amaanka iyo siyaasadda gudaha, iyadooba kari la’ sugida Amaanka halka wado ay dowladda Isticmaasho ee Maka Al-Mukarama.

Shacabka masaakiinta ah ee Reer Muqdisho oo muddo fara badan lagu soo tumanaayay xuquuqdooda walina ay ku socoto xasuuq cusub….ayaa maalinba maalinteeda xigta la xabaalayaa wiil dhalinyaro ah oo heer jaamacadeed maraya, mid waxbarashadii dhameestay bilaabayna wax soo saarka aqoontii uu in muddo ahi soo baranayay, mid nolosha markaa guda galay oo maalmihii noloshiisa ugu qaalisanayd ku jira (Carruus ahaa), Ganacsade hami fog lahaa, Hooyo masaakiin ah oo nolosha Carruurteeda oo laga yaabo inay agoon yihiin ama Aabahood aan wax shaqo ahi heyn dhexda u xiratay xabaalkooda la qodayaa, intaa keliya looguma aanu simine waxaa loogu daray 14-jir lagu dhex qarxiyo gaari….xitaa in nolosha lagu gubo qof nool sida Marxuum Axmed Dowlo oo kaleeto, mana la is weydiiyo dhiigooda baxaya dadkaasi cadaaladna haba sheegin warkeeda.

Dhibanayaasha Muqdisho oo in muddo ah ku taamayay in ay xasilooni iyo amaan helaan ayaa wali waxay u dhammaanayaan xabaal, Dhimanayaan, Baaba’ayaan oo ma noola, mana jirto cid ka naxaysa una damqanaysa, marka laga reebo in madaxda dalka ay yiraahdaan “Waan ka xunahay, waana ka tacsiyadeyneynaa” ayna dhiigga shacabka maatida ah ku dul khudbeeyaan (ALLE ayaase leh bad-baadin).

Gun iyo gunaanad geeridu waa xaq oo qof kasta oo bani’aadam ah ifka korkiisana ku nool way sugaysaa oo taa cidina dood kama qabto, laakiin Magaalada Muqdisho oo maalin walba lagu dilo ugu yaraan 1-qof amaba in ka badan ayaa keentay in aan ciwaanka qormadeyda u xusho MUQDISHO MAGAALADDII MOWDKA!!!.

 

W/Qoray: Bile Mohamed Abdi (Bile Baastey)

Email: baastey11@hotmail.com

Email: baastey10@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*