MUNAASABADDA XUSKA 1-DA LUULYO OO BERGEN LAGU QABTAY WARBIXIN+SAWIRO.

Habeenimadii xalay waxaa magaalada Bergen oo ah caasimada labaad ee wadanka Norway lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay  hoolka Biks-ka oo si qurux badan loo nashqadeeyey taasi oo lagu maamuusayey 59-guuradii ka soo wareegtay xorriyada gobolada Koonfureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur, iyadoona ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada sida, Culumaa’udiin, Aqoonyahano, Haween, Oydayaal, Dhalinyaro iyo carruur ku labisnaa dharka hidaha iyo dhaqanka iyo kan astaanta qaranka.

Xafladani oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay islamarkaasna la isaga kala yimid meelo fog fog oo magaalada ka baxsan ayay ku damaashaadayeen farxada iyo reyn reynta munaasabadda 1-da Luulyo ayaa waxaa halkaasi dadkii ka hadlay ka mid ahaa Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland C/qaadir Axmed Raage (Waayeel) isla markaana lagu amaano inuu wax badan u qabtay Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda 1-da Luulyo oo ah 59-guuradii ka soo wareegatay xorriyaddii gobolada Koonfureed iyo israacii gobolada Waqooyi iyo Koonfur, isagoona halkaas ka  jeediyay qudbad aad iyo aad u qiimo weyneyd taasoo dulucdeedu ahayd muhiimadda ay Ummadda Soomaaliyeed u leedahay munaasadda iyo xuska 1-da Luulyo, isagoona sheegay in ay xorrnimaddii qeyb weyn ka qaateen dhalinyaraddii Ururkii SYL kuwaas oo uu si weyn u xusay, isagoona tilmaamay in dhibaatooyin fara badan ay u soo mareen dhalinyaradaasi xorrnimada iyo calanka aan maanta heysano.

Sidoo kale Guddoomiye Waayeel ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed si gaar ahaaneed ugu baaqay jaaliyadda Bergen inay xoojiyaan midnimada, wax wada qeybsiga iyo is caawinta.

Nuuradiin Sheekh Xasan Barkaan oo ka mid ah waxgaradka ku nool magaalada Bergen ayaa dhankiisa sheegay in munaasabaddan ay tahay mid lagu wayneynayo xiliggii ummadda Soomaaliyeed ay ka xoroobeen gumaystihii Talyaaniga, waxaana uu sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay ka soo qeyb galka munaasabada, isagoo ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay adduunka ka joogaan ALLE uga baryay in ay sanadkaan kiisa xiga ku gaaraan bashbash iyo barwaaqo.

C/qaadir Maxamuud Axmed (Ustaad Cabdul) oo ka mid ah aqoonyahanada kasoo qaybgashay kullanka ayaa si dheer uga sheekeeyay qaabkii shacabka Soomaaliyeed ay u soo mareen sidii xorriyadooda uga qaadan lahaayeen gumaystihii talyaaniga iyo dhibaatooyinkii gumaystaha uu ku hayay shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay Ustaad Cabdul xorriyada maanta ay harsanayaan shacabka Soomaaliyeed in loo soo maray dhiibaatooyin aad u waaweyn oo isugu jiray dil, xarig ama xabsi muddo dheer iyo waxyeelo kale oo aad u fara badan, waxaana uu sheegay dhalinta Soomaaliyeed in maanta looga baahanyahay iyagoo isku duuban ay calanka Soomaaliyeed ka qaadaan meesha uu maanta yaalo oo ka roon sidii shalay uu ahaa, taasna ujeedka kaliya ee lagu gaari karo ku sheegay isku duubni, midnimo iyo wadajir.

Dhanka kale Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Knarvik Kommune ahna Suxufi rug-cadaa ah Hassan Bile Mohamed oo hadal qiiro leh ka jeediyey munaasabadda xuska 1-da Luulyo ayaa sheegay in caawa ay muhiimad gaar ah u leedahay Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan maadaama ay tahay maalintii ay xornimada ka qaateen gumeystihii taasoo ku timid halgan dhiig badan ku daatay oo ay galeen ummadda, gaar ahaan dhalinyaraddii SYL.

Sidoo kale Hassan Bile Mohamed ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan gobolka Hordaland gaar ahaan Magaalada Bergen ku amaanay sida ay u mideysan yihiin ayna ugu taagan yihiin muujinta maalmaha qiimaha weyn ku leh Ummadda Soomaaliyeed sida 1-da Luulyo iyo isgarab istaaga xiliyada caqabadaha ay jiraan.

“Anigoo ku hadlaya magaca Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Knarvik kommune waxaan leenahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan sanad guuro wanaagsan, ka shaqeeya midnimada, waad ogtihiin halgalkii loo soo maray xorriyadda waxaan ku weynay geesiyaal badan, maantana dalka iyo dadka dhalinyaradda ayuu u baahan yahay waana anaga” ayuu ku yiri shacabkii kasoo qeyb galay munaasabadda.

Inta ay munaasabadda socotay waxaa halkaasi lagu soo bandhigay Ruwaayado kala gedisan oo uu qalinka u qaatay Abwaan C/raxmaan Warsame Cabdulle (Siyo), heeso wadani ah, Dhaantooyin kala duwan, su’aalo u badnaa kuwo aqoon maal iyo taariikhda dadkii xornimada dhaliyey la weydiiyey martidii ka soo qayb gashay, iyadoo sidoo kale abaalmarino qaali ah la guddoonsiiyey qaar ka mid ah dadkii haleelay jawaabaha saxda su’aalihii la weydiiyey bulshada, halka si gaar ahaaneed hadiyo sharafeedyo la guddoonsiiyey Carruurtii munaasabada ku sugnayd oo dhammaantood waalidiintooda ugu soo labiseen si qurux badan.

Ugu danbeyntii xuska 1-da Luulyo oo si weyn sanadkan loo soo agaasimay waxaa kaalin mug leh ka geystay isku soo dubridka iyo abaabulka quruxda badan xubno isugu jira Ururka Haweenka, Dhalinyaradda iyo maamulka Jaaliyadda waxaana dadkaasi ka mid ahaa Suldaan Maxamuud Cawil, Leylo Cabdi Xidigoow, Farxaan Maxamuud Axmed, Ubax Xuseen Gadiid iyo Mowliid Axmed Diini oo dhammaantood lagu amaanay sida quruxda badan oo ay xilka weyn isaga saareen madashii quruxda badneyd ee habeenimadii xalay lagu qabtay munaasabada xuska 1-da Luulyo, waxayna ku soo dhammaatay jawi qurux badan iyo isku marxabayn.

W/Diyaariyey: Bile Mohamed Abdi (Bile Baastey).

Bergen-Norway.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*