Munaasabad lagu xusay dadkii ku dhintay xasuuqii Soobe oo ka dhacday Muqdisho

0
32

Isgoyska 14-Ka October oo horay loo oran jiray Soobe  ayaa waxaa ka dhacday Munaasabad lagu xusayay dadkii ku dhintay Xasuuqii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Munaasanadda ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ugu horeyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo boqlaal shacab ah.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadkii tagay Isgoyska 14-ka October Madaxda ugu Sareeysa ee dalka, iyagoona halkaas ka jeediyey Khudbado kala duwan oo ay uga hadlayeen Xasuuqii ka dhacay Isgoyska Soobe.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa Maanta xiray Waddooyinka ugu muhiimsan isugu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee Magaalada Muqdisho intii ay socotay munaasabadaasi.

Ammaanka Guud ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta si weyn loo adkeeyay gaar ahaan Waddooyinka gala iyo kuwa kabaxa Isgoyska 14-Ka October.

 

LEAVE A REPLY