Munaasabad lagu xusaayay 58 guuradii xorriyada Soomaaliya oo lagu qabtay Oslo+SAWIRO.

Xuska sannad-guuradii 58-aad ee ka soo wareegatay markii ay xornimada heshay Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Oslo ee dalka Norway.

Xafladaan oo aheyd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay barxada Sofienbergpark, waxaana ka soo qeyb galay Munaasabadan xubno ka tirsan xisbiyada dalka, kuwa laga soo doorto degmooyinka gobolka, iyadoo sidoo kale ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ajaanib iyo Soomaali intuba isugu jira.

Barxada Sofienbergpark oo ay isugu yimaadeen dadweyne aad u fara badan ayaa ahaa mid quruxoon, iyadoo marka aad eegto dadkii halkaasi isugu soo baxay munaasabada kowda Luulyo aad wajiyadooda ka dheehan kartid quruxda uu leeyahay Calanka Ummadda Soomaaliyeed ee buluuga ah isla markaana leh xidigta 5-ta gees ee dhexda kaga xardhan oo dadka inta badan dhar ahaan ugu soo labisteen halka qaarkoodna calanka ay lu’layeen, sida muuqaalada hoose idinkaga muuqata.

Xildhibaanada ka qeyb galay munaasabada 58-deed guuradii ka soo wareegatay maalinta Qaranimada Ummadda Soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Baashe Muuse oo ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada Oslo, sidoo kale-na ah xubin firfircoon kana tirsan xisbiga shaqaalaha (AP) ayaa ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay adduunka ka joogaan gaar ahaan Soomaalida Norway ugu hambalyeeyey xuska kowda Luulyo.

Sidoo kale Xildhibaan Baashe Muuse ayaa si qoto dheer uga hadlay ahmiyada ay leedahay munaasabada kowda Luulyo maanta oo kale, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed dalka gudahiisa iyo kuwa dibada ku noolba ugu baaqay midnimo iyo wadajir, isagoo dhanka kalena bogaadiyey Qoraa Soomaaliyeed oo munaasabada xafladaasi ku soo bandhigay Buug loogu magac daray (NASIIBKA IYO NOLOSHA QURBAHA), buugaas oo uu qoray Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey) kana mid ah Soomaalida ku nool dalka Norway gaar ahaan Magaalo madaxda labaad ee Bergen.

“Run ahaantii waxaa dhihi lahaa maanta waxaa is biirsaday laba farxadood tan koowaad oo ah maalinta qaranimada Soomaaliya kowda Luulyo oo qof kasta oo Soomaali ah ku weyn iyo buuggan quruxda badan ee uu qoray walaalkeena da’da yar ee Soomaaliyeed, waa dhiiragelinayaa guud ahaan qorayaasheena idinkuna waxaa idinkugu baaqayaa si qorayaasheenu u helaan kalsooni dheeraad ah oo ay hal abuurkooda wanaagsan ku soo bandhigaan in aan ku garab istaagno” ayuu si qiiro ay ku jirto u yiri wuxuuna xildhibaanku horay u qaatay buugga lagu soo bandhigay munaasabadaasi.

Afhayeenka urur u dhaqdhaqaaqa haweenka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norway Luul Caraweelo oo ka mid ahayd dadkii ka soo qeyb galay munaasabada kowda luulyo ayaa ku boorisay Soomaalida ku nool dalka Norway inay gacmaha is qabsadaan isla markaana ka gudbaan qabyaalada iyo tafaraaruqa dhexdooda ah oo ay ku jiraan mudada faraha badan.

C/rashiid Cirro oo ka mid ah waxgaradkii ka hadlay munaasabada kowda Luulyo ee magaalada Oslo ayaa sheegay in maanta oo kale ay tahay maalin mideysa Ummadda Soomaaliyeed, loona baahan yahay si aan kala har lahayn in looga wada qeyb qaato, waxa uuna si kooban uga sheekeeyey taariikhda loo soo maray xornimada dalka Soomaaliya.

Nimco Cumar Fiyaasko oo ka mid ah Soomaalida tirada yar ee ku nool dalka Iceland ayaa ka mid ahayd dadkii ka hadlay munaasabada kowada Luulyo ee lagu qabtay magaalada Oslo, iyadoo baaq iyo baraarujin u jeedisay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada in qof waliba xirfada uu leeyahay lagu taageero si mustaqbalka dhow dalka ugu faa’iideeyaan.

Sidoo kale Naciimo C/raxmaan Caseyr oo soo qaban qaabisay xafladaasi ayaa dadkii ka soo qeyb galay ku boorisay inay tahay maanta maalinta calanka ummadda Soomaaliyeed, loona baahan yahay Midnimada, wadajirka iyo walaaltinimada in la xoojiyo, iyadoo si guud ugu mahadcelisay ka soo qeyb galayaasha munaasabada.

Dhanka kale waxaa goobta ka hadlay Wariye Salaad Xuseen Maxamuud (Salaad-daacad) sidoo kalena ahaa xirriiriyihii iyo isku dubaridihii munaasabada kowada Luulyo ayaa halkaasi ka jeediyey qudbad aad u qiimo badanayd, iyadoo qudbadaasi ay si aad ah u kicisay dareenka dadkii ka soo qeyb galay xuska maalinta xorriyada Soomaaliya.

Salaad Daacad ayaa ka hadlay faa’iidada ay leedahay midnimada isagoo ugu baaqay jaaliyada Soomaaliyeed inay midnimo sameeyaan isla markaana laga gudbo tafaraaruqa iyo kala qeybsanaanta yar ee jirta.

Sidoo kale Wariye Salaad waxa uu amaan u jeediyey qoraa Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey) oo munaasabada kowda Luulyo ee magaalada Oslo ku soo bandhigay buug la magac baxay (NASIIBKA IYO NOLOSHA QURBAHA), buugaasoo dadkii halkaasi yimid ay intooda badan qaateen.

Waxyaabaha lagu soo bandhigay sanadkaan waxaa ka mid ahaa ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka, Heeso fara badan oo u badnaa kuwa wadaniyada ka hadlayay, Buug ka hadlaya nolosha Soomaalida qurbaha, canooyin iyo cabitaano kala duwan oo aad u sareeyey, halka carruurta ay heleen goobo ay ku ciyaaraan si ay u dareemaan farxada maalinta Qaranimada Ummadda Soomaaliyeed, waxaana goobta ka muuqday carruur waalidiintii dhalay si qurux badan ugu soo labiseen kana qeyb qaatay munaasabada kowda Luulyo.

Ugu danbeyntii jawiga xuska ayaa ku soo dhammaaday mid farxadeed iyadoo Soomaalidii halkaasi isugu timid ay isugu hambalyeeyeen maalinta Qaranka Soomaaliya.

W/Diyaariyey: C/kariin Guutaale.

Oslo-Norway.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*