mid ka mida muwaadiniinta soomlaiyeed oo dib loogu soo celiyey dalka ayaa la sheegay in lagu kharijiyey muqdisho november 2018

Yuusuf Maxamed Shabelle waa Muwaadin Soomaaliyeed waxa uu dhashay 1991 waxa  gacanta lagu dhigay oo Xabsiga loo taxaabay  oo laga soo qabtay Hurdiya oo  ka tirsan xeebaha puntlanad ee somalia  Bishii September sanadkii 2008  isaga oo 17  jir ah sida ay  inoo xaqiijisay Xabado Yuusuf  Xaaji oo ah Hooyada  Yusuf Maxamed Shabelle

sida  aynu wararka ku heyno Yuusuf waxa lagu xukumay 4 sano oo Xabsi ah waxa uuna ku xernaa Xabsiga Fleury-Merogis oo ku yaala Magala Madaxda Dalka France ee Paris waxa oo Muwadinkan Soomaaliyeed xuriyadiisa dib u helay oo xabsiga laga sii daayay Bishii November  ee sanadkii 2012-kii. xeligaasi oo Yuusuf Maxamed shabelle  maciin biday in uu iska dhiibo isla markana oo Qaxootinimo weydiistay Dalka france

Nasiib daro inta uu socday progaramka  amaba  Nadaamkii uu ku   heli laha sharciga ayuu si kadis ah ku aaday Swedan waxaana durbadiiba gacanta ku dhigay ilaalada Xuduudaha ee dalkaas iyaga oo ka qaaday faro  una aqoonsaday in uu dambiile yahay oo uu si sharci dara ah kusoo galay Dalkooda, waxa ayna si qasab ah ugu soo celiyeen Dalkiisa Hooyo ee Soomaaliya 2018, waxana  dib usoo celintaas mas’uuliyadedana laheýd  Dowlada Swedan.

Isaga oo aan raali ka aheyn oo aan joogin in ka badan 48 saacadood waxa weeraray oo qaarijiyay nimankii ay bari bah wadaagta ahaayeen  ee Burcad badeedka oo wali ku harsan qeybo ka mid ah  Dalka,  iyaga  oo ka shakisan in uu wadama reer-galbeedka u basaasayo ama uu qeyb ka qaato sidii gacanta loogu dhigi laha.

Sababtuna waxa ay tahay Burcad badeeda ayaa ah Silsilad dheer oo isu xeran kuna sugan meelo badan oo dunida ah qaar ayaa maalgaliya,  qaar ayaa shaqeeya, qaar ayaa shaxda dajiya iyo waliba qaar Maraakiibta xiliyada ay kusoo aadan yihiin la socsiiya oo ka shaqeeya wadamo kale una sheega Markabka soo shiraacday iyo xeliga uu ku soo aadan yahay Somalia, si ay Burcad badeedku isugu diyaariyaan qafaalashada Markabkaas, waxeyna bartilmameysanayaan ced waliba oo ay u arkan in uu caqibad ku noqon karo amaba wax u dhimaya howlahooda Burcadbadeednimada.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*