Mid ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday.

Waxaa aroornimadii hore ee saaka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ku geeriyooday ALLE ha u naxariistee Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyaddii ugu caansanaa ee koonfurta Soomaaliya.

In kasta oo uu ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii dalka, haddana waxa uu ahaa siyaasi rug cadaa ah kaasoo xilal kala duwan oo heer wasiir iyo Xildhibaanimo ka soo qabtay dowladdihii KMG ahaa ee dalka soo maray.

Muddooyinkii dambe ayaa la sheegay in siyaasigu uu ku xanuunsanayay isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho halkaasoo ugu danbeyntii saaka uu ku nafbaxay.

Si kastaba waxaa lagu wadaa in marxuum Maxamed Qanyare Afrax loo sameeyo Aas qaran sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*