Maxaadan ogayn oo ku soo kordhay kullamada ka socda magaalada Dhuusamareeb.

0
29

 

Iyadoo wali magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud uu ku sugan yahay wasiirka Arrimaha guddaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kullamo halkaasi ka socda wali la isku fahmi la’yahay sidii ay isku horfadhiisan lahaayeen madaxweynaha maamulka Galmudug iyo wafdiga dowladda.

Ujeedka wafdiga dowladda ayaa ah sidii la isugu fahmi lahaa waqtiga doorashada baarlamaanka iyo waqtiga kama dambeysta ah ee madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf u harsan.

Sida xogta warkan aynu ku helnay xaaf ayaa gaashaanka u daruuray la kulanka wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

Si kastaba ha ahaatee xaalka Galmudug oo sii xumaanaya ayaa la ogayn sida ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya xal ugu heli lahayd mashqada siyaasadeed ee ka aloolsan madaxda maamulkaasi.

LEAVE A REPLY