MAQAAL: Soomaalida Norwey oo albaab kasta u garaacday sidii ay u caawin lahaayeen Walaalaha ay abaartu ku habsatay.

1947870_1548439935380642_1168033369_n copy(Somalibile-Media): Subaxnimadii sabtidii ayay ahayd markii Soomaalida ku nool dalka Norwey ay u istaageen sidii ay u caawin lahaayeen walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhibaateeysan gudaha Soomaaliya, iyagoo, Ragg, Dumar iyo waliba Caruur iska caawiyey sidii loo uruurin lahaa dhaqaale loo garaacay albaab kasta.

 

Guddi u badan Culumaa’udiin katirsan Jaaliyada Soomaalida dalka Norwey oo ogolaansho ka helay dowladda ayaa u istaagay in lacago loo aruuriyo walaalaha Soomaaliyeed ee abaartu sida ba’an u heyso, kuwaas oo uruurinayay lacago yar yar iyo kuwo badan qof waliba inta uu awoodo.

 

Soomaalida ayaa isugu soo baxay qaar ka mid ah wadooyinka waa weyn ee magaalooyinka kala duwan ee dalka Norwey iyagoo sitay gasacdo qaar koodna ay wateen sawiro  muujinayo sida ababaartu u gashay Soomaalida ku dhibaateesan wadankeena.

 

Tani waxa ay noqotay mid ku dayasho mudan oo aan  horay loo qaadin iyagoo si aad ah uga mahadcelinaya maamulka dowladda oo gacan ka geystay in Soomaalidu u damqadaan walaalahooda isla markaana ay u kacaan sidii wax un ugu soo uruurin lahaayeen.

 

Dhaqaale fara badan ayaa la sheegayaa in laga helay lacagihii abaaraha in kastoo aan la ogayn lacagta rasmigaa ee soo gashay guddigaas is xil qaamay, hase yeeshee qaar ka mid ah Guddiyada magaalooyinka oo aan wax ka weydiinay ayaa inoo sheegeen in lacago wax tar leh oo aan cadadeeda si guud loo heyn ay soo xaroodeen.

 

Talaabadan waa mid aad u wanaagsan waxaana codsanaynaa in walaalaha Soomaaliyeed ee reer Norwey isla markaana gacanta ku haya daqliga ka soo xarooday lacagta abaarta, iyagoo ku amaanan sida ay isku xil qaameen shaqooyinkoodana u baajiyeen, isla markaana cimilada oo maalintaas magaalooyinka qaar aad u qaboobaa roobna uu jiray sidaa ku shaqeeyey inay lacagahaasi deg deg u gaarsiiyaan walaalaha dhibaateesan maadaama abaartu wali ay jirto.

 

Maxamed C/laahi oo ku magac dheer Maxamed Dheere kana mid ah dhalinyarada ku nool Magaalada Bergen isla markaana ka mid ahaa Xubnihii ugu fir-fircoonaa oo isku xilqaamay in loo istaago walaalaha abaartu ay cagta marisay ayaa dhalinyarada iyo Soomaalida kale ku dhiirageliyey inay guryaha ka soo baxaan waxna uruuriyaan si ay gacan uga geystaan bad-baadinta inta ay awoodaan, waana talaabo uu mudan yahay in looga mahadceliyo laguna amaano doorka lixaadka leh uu ka qaatayMaxamed Dheere.

 

Warar shabakada Somalibile Media ay ka heshay Deeganada qaar ayaa sheegaya in wali daaganada qaar wax roob ahi uusan ka da’in taasi oo sii daba dheereenaysa abaarta heysa dadka iyo duunyada waxaana u sii dheer gar-gaar la’aan oo aan wax baad iyo biyo ahi aan lala gaarin, taasi oo qasab ka dhigi karta inay kororto dhimashada dad iyo duunyo hor leh.

 

Ugu danbeyntii Soomaalida Norwey ayaa mudan in looga daysado maadaama ay isku soo bax aad u weyn sameeyeen isla markaana ay gudaha u galeen xaafado fara badan oo ay dagan yihiin Soomaali iyo waliba dad kale oo aan Soomaali ahayn, tani waa mid ku dayasho mudan oo ay horay u qaadeen Soomaalida Norwey, waana baaq ku socda jaaliyadaha kale ee ku dhaqan dalalka ay Soomaalida ku badan yihiin.

 2

4

1

3

Qalinkii:- Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey).

Email: baastey10@gmail.com

Bergen-Norwey.

 

Shabakada Somalibile Media.

Xafiiska Magaalada Muqdisho.

info@somalibile.com.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

548 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>