MAQAAL: Doorka muhiimkaa Haweenka Soomaaliyeed ay ku yeesheen doorashadii Norway (Qalinkii Bile Baastey).

Iyadoo habeen ka hor si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyey doorashadii ka dhacday dalka Norway isla markaana xisbiyadii midigta ku guuleysteen doorashadaasi, taasoo ka dhigan afar sano oo cusub inay dalka sii hogaamin doonto Erna Solberg guusheedii habeen hore kadib.

Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norway ayaa dhammantood  waxa ay u istaageen inay codadkooda dhiibtaan intii lagu guda jiray codeenta doorashadii,  iyagoo ka duulaya faa’iidada ay bulshada Soomaaliyeed u leedahay in la codeeyo waxa ayna la yimaadeen dadaal dheeri ah oo ka heer sareysay dhinacii ragga.

Hay’ada tira-koobka iyo xog uruurinta Norway ee SSB warbixin ay soo saartay 4-tii Bishan ayay ku sheegtay in Soomaalida ay yihiin dadka ugu badan ee soo galootiga ee codadka dhiibta xiliyada doorashada, waxayna si gaar ahaaneed u sheegeen in tirada ugu badan codadka Soomaalida ay bixiyeen Haweenka doorashadii ugu dambeysay.

Doorkaasi muhiimka ahaa ee haweenka Soomaaliyeed ku yeesheen doorashadii 11/SEP/2017, ka dhacday dalka Norway waxa ay taasi muujinaysaa in haweenka ay noqdeen geesiyaal daboola baahiyaha taagan.

Waxaa xusid mudan in haweenkaasi intooda badan ay soo mareen marxalado kala duwan halka qaarkoodna iminka ay ku jiraan xaalado nololeed oo aad u adag, haddii ay ahaan lahayd Hooyooyin kali ku ah koriinshiyaha caruurtooda, kuwo Ubadkii ay ifka ka fiirsanayeen laga qaatay, iyadoona taasi ay jirto ayaa haddana waxa ay si hufnaan laga dheehan karo kaga qeyb qaateen doorashadii dalka.

Haweenka oo dhib weliba maraya ayaa haddana waxay yihiin kuwo jecel in ay ku soo kordhiyaan bulshada horumar, waxayna mar kasta isku dayaan in ay kor u qaadaan dadaalkooda ku wajahan waqtigan haatan lagu guda jiro.

“Ma jirto sabab aan maanta codadkeena ula seexano guryaheena….waa in aan codadkeena dhiibanaa…haddii aysan taasi dhicina waxaa dhici doonta maalin uusan waxba kuu tari doonin Passport-ka aad heysato” ayay tiri mid ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Oslo ee dalka Norway, saacado yar un ka hor intii aan la soo xirin goobihii codbixinta magaalooyinka dalka Norway.

Waxaad arkaysaa mararka qaarkood in haweenka Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan siyaasadda deegaanada, iyagoona ka dhex muuqda golayaasha kala duwan ee deegaanka.

Haweenka Soomaaliyeed ee maanta ku nool dalka Norway waa kuwo dadaal xoogan ugu jira siday uga mid noqon lahaayeen bulshooyinka la yaqaan ee ku nool guud ahaan dalka Norway, mar walbana waxa ay xooga saaraan in ay noqdaan kuwa lagu daydo oo daboola baahi kasta ee la soo darasta muwaadinka kale ee Soomaaliyeed haddii ay ahaan lahayd kuwa ku nool dalkan iyo kuwa Soomaaliya gudahiisa ku nool intuba.

Haweenka Soomaaliyeed ee maanta jooga qaarkood waxay hogaan ka yihiin ganacsiga Soomaalida Norway, kor u qaadida Jaaliyad mideysan oo ay yeeshaan dumarka, waxaana la dhihi karaa Haweenka Maanta waxay door muhiima ka qaateen doorashadii ka dhacday dalka Norway.

Gun iyo gunaanadka maqaalkan ku saabsan Doorka muhiimkaa Haweenka Soomaaliyeed ay ku yeesheen doorashadii Norway waxaa ku soo gabagabeynayaa dhalinyaradda Soomaaliyeed inay doorka Haweenka garab istaagaan si loo hiigsado horumar Jaaliyadeed oo awood leh, haddii ay dhalinyaradu noqdaan kuwo aysan garab istaag ka helin doorka Haweenka inay adkaan doonto helida Jaaliyad xoog leh.

Qalinkii:- Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey).

Kala xiriir:

Email: baastey11@hotmail.com

Email: baastey10@gmail.coms

Norway-Bergen.

Shabakada Somalibile Media
Xafiiska Magaalada Muqdisho
Email: somalibile@gmail.com
info@somalibile.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

763 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>