Madaxweyne Deni oo magacaabay guddoomiyaha gobolka Mudug.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo toddobaad ah ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa caawa maamul cusub u magacaabay gobolka Mudug.

Madaxweynaha wuxuu xilka guddoomiyaha gobolka Mudug u magacaabay, Axmed Muuse Nuur oo horey usoo noqday guddoomiye ku-xigeen.

Sidoo kale, wuxuu madaxweynaha magacaabay labo guddoomiye ku-xigeen, iyadoo guddoomiye ku-xigeenka koowaad loo magacaabay Xasan Cabdullaahi Warsame (Wardheere), halka guddoomiye ku-xigeenka labaad loo magacaabay Maxamed Xasan Xuseen (Waloore).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*