Madaxweyne Dani oo u ambabaxay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

0
13

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa maanta howlo shaqo ugu dhoofay dalka dibaddiisa, gaar ahaan dalka Itoobiya oo uu ku hormarayo.

Waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Ashir ee magaalada Garoowe kusii sagootiyey Madaxweynaha iyo weftigiisa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Saraakiil Ciidan, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Sida wararku sheegayaan Saciid Deni madaxweynaha maamulka Puntland ayaa inta ku sugan yahay dalka Itoobiya waxaa uu kulamo kaal kuwan la qaadan Madaxa ugu sarreeysa dalkaas,isagoo kala hadli doona arrimo muhiim ah oo quseeya Puntland.

 

LEAVE A REPLY