Madaxweynaha oo ka tacsiyeey geerida Sangub.

Madaxweynaha Somalia Maxamed cabdulahi Farmajo ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada uu ka geeriyooday abwaanka caanka ah maxamuud cabdulahi sangub.

Farmaajo ayaa u tacsiyeeyay qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Addis Ababa.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*